Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad Weeraradii Paris loo Xiray oo La Daayey


Booliiska Belgium
Booliiska Belgium

Saddexdaas qof ayaa waxaa la xiray talaadadii intii lagu guda jiray baaritaan booliisku ay ka sameeyeen degmada Uccle ee dalka Belgium.

Dacwad oogayaasha dalka Belgium ayaa sheegay inay sii daayeen saddex qof oo talaadadii loo xiray baaritaanka la xiriira weeraradii Paris ee 13-kii November oo 130 qof ay ku geeriyoodeen.

Xafiiska dacwad oogaha Belgium ayaa maanta sheegay in dadkaas aan wax dacwad ah lagu soo oogin.

Saddexdaas qof ayaa waxaa la xiray talaadadii intii lagu guda jiray baaritaan booliisku ay ka sameeyeen degmada Uccle, xilli la isku dayayey in la qabto dadkii ku lugta lahaa weeraradii Paris iyo Brussels.

Laba qof oo kale, oo lagu kala magacaabo Smail. F iyo Ibrahim F. ayaa dacwado lagu soo oogay talaadadii ayada oo lagu eedeeyey weeraradii bishii tagtay ka dhacay magaalada Brussels. Labadan qof ayaa ah walaalo, sida ay sheegeen warbaahinta gudaha.

Mas’uuliyiinta dalka Belgium ayaa waxaa si aad ah loogu dhaleeceeyey in sirdoonkoodu yahay mid liita, sababo la xiriira weeraradii Paris iyo Brussels, ayada oo ay ku qaadatay afar bilood inay soo qabtaan Saleh Abdeslam oo ku lug lahaa weerarada, xilli uu dalkaas ku dhex sugnaa.

XS
SM
MD
LG