Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Macedonia: Booliska Iyo Muhaajiriin Isku Dhacay


Warbixino ayaa sheegaya in qiyaatsii 30 qof ay isku dayeen inay maanta dalkaas uga soo gudbaan dalka Greece, gaar ahaan xaafadda Idomeni.

Booliiska dalka Macedonia ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa iyo bam gacmeedyada dadka ka nixiya kutuuray muhaajiriin isku dayayey inay kasoo boodaan xeendaabka xuduudda dalkaas uu la wadaago dalka Greece.

Warbixino ayaa sheegaya in qiyaatsii 30 qof ay isku dayeen inay maanta dalkaas uga soo gudbaan dalka Greece, gaar ahaan xaafadda Idomeni ee ku taalla xadka Greece.

Dhacdadan ayaa imaneysa kadib markii sidoo kale isku dhacyo noocan ah ay axaddii dhex mareen booliiska iyo muhaajiriin, kuwaasi oo tobaneeyo qof ay ku dhaawacmeen.

Rabshadihii dhacay axadaddii ayaa loo sababeeyey kadib markii qof uu baahiyey war been ah oo ku saabsanaa in xuduudda la furay.

Mas’uuliyiinta dalka Greece ayaa Macedonia ku eedeeyey inay ka badbadiyeen xaaladda, waxayna shegeen inay baarayaan sida ay arrintan ku timid.

XS
SM
MD
LG