Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afghanistan: Qarax Ay Ku Dhinteen Lix Qof


Afghanistan
Afghanistan

Qaraxa oo ka dhacay degmada Siah Gerd ee gobolka Parwan ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 22 qof.

Saraakiisha dalka Afghanistan ayaa sheegay in qarax isiidaamin ah oo ka dhacay gobolka Parwan ay ku dhinteen lix qof, islamarkaana ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 22 qof.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha Sediq Seddiqi ayaa xaqiijiyey weerarkan oo ka dhacay degmada Siah Gerd, isaga oo sheegay in dhammaan dhibanayaasha ay yihiin dad shacab ah oo ay ku jiraan haween.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada caasimadda ah ee Kabul ayuu ku sheegay in booliiska ay aqoonsadeen qofka weerarka fuliyey ayna isku dayeen in ku joojiyaan bar dadka lagu baaro, markaasi oo uu is-qarxiyey.

Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka, hase yeeshee saraakiisha Afghanistan ayaa ku eedeeey Taalibaan.

Isaga oo aan magacabain Pakistan, ayuu Seddiqi sidoo kale ku eedeeyey rabshadaha ka socda dalka Afghanistaninay ka dambeeyaan kuwa argagixisada siiya meelo ay ku nagaadaan oo ay ku nabad galaan ee xuduudda.

Mas’uuliyiinta Afghanistan ayaa horey u sheegay in madaxda sare ee Taalibaan ay ku dhuuntaan, weeraradana ay ka hagaan gudaha dalka Pakistan, ayaga oo caawimaad ka helaya sirdoonka dalkaas, eedeymahaas oo Pakistan ay beenisay.

XS
SM
MD
LG