Maamul Goboleedka Galmudug ee Soomaaliya ayaa sheegay in maxaabiista ay dhowaan ka qabteen ururka Al-Shabaab ay ku jiraan ugu yaraan saddex qof oo ajaanib ah.
Mas’uuliyiinta ayaan sheegin waddamada ay dadkaasi u dhasheen, balse waxay sheegeen inay yihiin dad kasoo jeeda qaaradda Afrika.
Dadkan ayaa la qabtay intii uu socday dagaal afar maalmood qaatay oo dhex maray ciidamada Galmudug iyo Al-Shabaab, kaasi oo maxaabiis badan looga qabtay maleeshiyada Al-Shabaab.
Madaxweynaha Galmudug, Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa sheegay in tirada guud ee maxaabiista Al-Shabaab ay ka qabteen ay yihiin 110.
Warkan waxaa Gaalkacayo nooga soo diray weriyahayaga Cabdiwaaxid Macalim Isxaaq.