Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Dhowr Qarax oo la Fashiliyey


Qarax
Qarax

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Cabdi Kaamil Shukri ayaa sheegay in ciidamada amniga ay qabteen baabuur qaraxyo lagu xiray.

Hay'adaha ammaanka Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay saakay Muqdisho ay ku qabteen gaari nuuca raaxada ah oo ay saarnaayeen waxyaabaha qarxa.

Gaarigan ayaa la xusay in lagu qabtay xaafadda Taleex ee degmada Hodon waxaana nuuciisa lagu sheegay Carip.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale oo wariyaashu ay weydiiyeen gaariga la qabtay, ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku hayaan lagana warsugayo.

Sidoo kale Laamaha amniga ee dawladda Soomaaliya ayaa sheegay inay fashiliyeen qaraxyo la damacsanaa in laga gaystao magaalada Muqdisho.

Weriyaheena Jamaal Axmed Cusmaan, ayaa arrintanka waraystay Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Cabdi Kaamil Shukri.

Qaraxyo lagu fashiliyey Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:58 0:00

XS
SM
MD
LG