Isku xirrada

War Deg-Deg ah

FBI-da oo Furtay IPhone-kii Syed Farook


Tallaabadan ayaa soo geba gebeyneysa loolan dhinaca sharciga ah oo u dhaxeeyey dowladda Mareykanka iyo shirkadda Apple oo diiday inay taleefonkaas furto.

Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa heshay hab ay ku furto taleefon iPhone 5C ah oo uu lahaa ninkii fuliyey weerarkii magaalada San Bernardino ee gobolka California, oo 14 qof lagu dilay.

Tallaabadan ayaa soo geba gebeyneysa loolan dhinaca sharciga ah oo u dhaxeeyey dowladda Mareykanka iyo shirkadda Apple oo diiday inay taleefonkaas furto.

Taleefonka ayaa waxaa furay qof aan Apple ka tirsaneyn oo dowladda Mareykanka aysan shaacin, kaasi oo adeegsaday barnaamij aan la shaacin.

Garyaqaanada Apple ayaa sheegay inay rajeynayaan in dowladda Mareykanka ay la wadaagto habka ay si guul leh ugu furtay taleefonkan oo uu lahaa Syed Farook, hase yeeshee ma muuqato in dowladda Mareykanka ay sidaas sameyn doonto.

Inkasta oo tani ay guul u tahay dowladda Mareykanka haddana waxa ay su’aal badan gelin doontaa taleefonka iPhone iyo heerka amni ee qofka isticmaala uu heli karo.

Taleefonkan ayaa waxaa ku xirnaa password uu la dhintay Farook. Dowladda Mareykanka ayaa dooneysa inay hesho xogta ku jirta taleefonka.

XS
SM
MD
LG