Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Galmudug oo Dagaalkii Shabaab "Soo Afjartay"


Guuleed
Guuleed

Galmudug waxa ay sheegtay in intii uu dagaalka socday ay dileen 115 maleeshiyo Al-Shabaab ah, islamarkaana ay qabteen maxaabiis gaareysa illaa 110.

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in lasoo afjaray dagaal dhowr maalmood qaatay oo ay la galeen “Firxadkii Al-Shabaab”.

Hadal qoraal ah oo kasoo baxay maamulkaas oo uu ku saxiixnaa wasiirka warfaafinta maamulkaas, Maxamuud Aadan Cusmaan ayaa lagu sheegay in dagaalka oo socday afar maalmood ay la galeen Shabaab kasoo cararay dhinaca Puntland.

Galmudug waxa ay sheegtay in intii uu dagaalka socday ay dileen 115 maleeshiyo Al-Shabaab ah, islamarkaana ay qabteen maxaabiis gaareysa illaa 110. Ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegadan.

Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa sheegay in Shabaabkan ay doonayeen inay weeraro iyo falal argagixiso ay ka fuliyaan deegaanada maamulka Galmudug.

Guuleed ayaa ballan qaaday in maxaabiista ay maamulkiisa hayaan loola dhaqmayo “Si waafaqsan diinta Islaamka, shuruucda dalka iyo shuruucda caalamka”.

Arrintan ayaa waxaa weriyaheena Ismaaciil Xuseen Farjar uu ka warreystay madaxweynaha Galmudug, Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Wareysi: Madaxweynaha Galmudug
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:56 0:00

XS
SM
MD
LG