Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda: Beeluhu way Aqbaleen Shirka Jowhar


Heshiiska dowladda iyo Beelaha Hiiraan
Heshiiska dowladda iyo Beelaha Hiiraan

Dowladda Somalia ayaa sheegtay inay heshiis la gaartay odoyaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan ee iyagu diidanaa shirka jowhar ee maamulka loogu dhisayo gobollada Hiran iyo Sh/Dhexe.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ku sugan Beledweyne ayaa beelahan heshiis la galay oo ka dhaadhiciyay inay shirka dib ugu noqdaan. Wararka ayaa sheegaya inuu jiro balanqaadyo beelahan uu madaxweynuhu u sameeyay.

Heshiiska ayaa dhigaya in odoyaasha labada gobol ay noqdaan kuwa haga talada shirka, dowladduna ay noqoto tii fududeyn lahayd howlaha shirka.

Dhinaca kalena, 3 beelood oo reer Hiiraan ah ayaa wai diidan shirka Jowhar.

Warbixintan Heshiiska dowladda iyo Beelaha Hiiraan
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:35 0:00

XS
SM
MD
LG