Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kerry: "Waxaan Nahay Brussels"


Kerry Brussels
Kerry Brussels

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka John Kerry ayaa maanta la kulmay ra’iisul wasaraaha Belgium Charles Michel.

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka John Kerry ayaa maanta la kulmay ra’iisul wasaraaha Belgium Charles Michel, si uu tacsi ugu gudbiyo kadib qaraxyadii dhacay talaadada, islamarkaana ugu yabooho taageero.

Kerry ayaa waxa uu yiri “Waxaan nahay Brussels”, isaga oo muujinaya inuu garab taagan yahay Belgium.

Shir jaraa’iid oo ay qabteen isaga iyo ra’iisul wasaaraha Belgium, ayuu Kerry ugu sheegay argagixisada “Nalama cabsi gelin doonno”

Waxa uu ballan qaaday in beesha caalamka ay shaqeyn doonto inta adduunyada laga cirib tirayo “Fikradaha qalafsan iyo fuleynimada argagixisada”

Booqashada Kerry ayaa imaneysa ayada oo taleefishinka Mareykanke ee ABC uu shaaca ka qaaday in dadkii ku dhintay qaraxyadii Brussels ay ka mid ahaayeen laba qof oo Mareykan ah. Weli lama shaacin magacyada dadkaas.

XS
SM
MD
LG