Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal ka Dhex Qarxay Ciidamada Puntland iyo Al-Shabab


Ciidamada Puntland
Ciidamada Puntland

Dagaalkan ayaa bilowday markii ciidamada Puntland ay weerar ku qaadeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabab oo dhawaan xeebaha Puntland ku gaaray doomo.

Wararka ka imaanaya Puntland ayaa sheegaya in meel ku dhow tuulada Garmaal ee gobolka Nugaal uu maanta dagaal xooggan ku dhex maray ciidamada Puntland iyo Maleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Dagaalkan ayaa bilowday markii ciidamada Puntland ay weerar ku qaadeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabab oo dhawaan xeebaha Puntland ku gaaray doomo.

Wasiir warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocadde oo warbaainta kula hadlay Garoowe ayaa ku hanjabay in 72-ka saacadooda ee soo socda Puntand ay ku soo afjari doonto dagaalka ay kula jirto koox uu sheegay inay ku soo duushay.

Illaa iyo hadda lama yaqaan tirada rasmiga ah ee Shabaabka galay deegaanada Puntland, hase yeeshee warar ayaa sheegay inay yihiin dhowr boqol.

Wariyheenna Garoowe Nuux Muuse Birjeeb ayaa warbixintan inoo soo diray.

Dagaal ka dhacay Puntland
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:21 0:00

XS
SM
MD
LG