Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gedo: Al-Shabaab oo Afduubtay Shaqaale Gargaar


Afarta qof ee la afduubtay waxaa ka mid ah madaxii qeybta caafimaadka ee Hay'adda Bisha ee Gobbolka Gedo, Aadan Cabdi Aadan.

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in maleeshiyaad ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay afar qof oo shacab ah ka afduubtay inta u dhaxeysa degmooyinka Baardheere iyo Ceelwaaq ee Gobbolka Gedo.

Afarta qof ee la afduubtay waxaa ka mid ah madaxii qeybta caafimaadka ee Hay'adda Bisha ee Gobbolka Gedo, Aadan Cabdi Aadan iyo shaqaale kale oo caafimaad oo hay'ada bisha cas ka tirsan.

Warkan ayaa waxaa VOA-da u xaqiijiyay guddoomiye ku xigeynka maamulka gobolka Gedo Maxamed Xuseen Isaaq.

Dadkaan la afduubtay oo kasoo amba baxay degmada Baardheere ayaa ku sii jeeday degmada Ceelwaaq, waxaana markii ay marayeen Deegaanka Sadiima oo 70 u jira degmada Baardheere joojiyay maleeshiyaad wajiyada soo duu

XS
SM
MD
LG