Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Lix Qof oo ku Dhintay Dagaal ka Dhacay Afmadow


Al-Shabaab
Al-Shabaab

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar xooggan ku qaadeen fariisimaha ciidamada Jubbaland.

Ugu yaraan lix qof oo dhinacyadii dagaallamay ah ayaa ku dhintay dagaal xooggan oo xalay saqdii dhexe ka dhacay degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar xooggan ku qaadeen fariisimaha ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa AMISOM ee degmada Afmadow.

Dagaalka ayaa lagu warramayaa inuu socday laba saac oo xiriir ah.
Muuse Macallin Aadan oo ah guddoomiyaha maamulka Afmadow ayaa VOA-da u sheegay in kooxda weerarka soo qaadday ay wateen 18 baabuur oo kuwa dagaal iyo kuwo xamuul isugu jira.

Warbixintaan waxaa magaalada Kismaayo nooga soo diray Wariyaha VOA ee Jubbooyinka Khadar Maxamuud Xareed.

Dagaal ka dhacay Afmadow
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:03:00 0:00

XS
SM
MD
LG