Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sugidda Amniga Muqdisho oo Laba loo Qeybiyey


Muqdisho
Muqdisho

Wasaaradda amniga gudaha ayaa sheegtay in booliiska iyo nabad sugidda loo kala qeybiyey sugidda amniga Muqdisho.

Sugidda amniga magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ayaa loo kala qeybiyey oo loo kala xil saaray laba hay’adood, sida lagu sheegay war maanta kasoo baxay wasaaradda aminga gudaha.

Cabdi Kaamil Macallin Shurkri, oo ah afhayeenka wasaaradda amniga gudaha ayaa maanta warfidiyeenada u sheegay in magaalada loo kala qeybiyey laba qeyb, oo qeyb ay maamuli doonaan booliiska, qeybna ciidamada nabad sugidda.

Booliiska ayaa sugi doona inta u dhaxeysa Liido illaa Ex-Kontrool, halka ciidamada nabad sugidda ay sugi doonaan amniga jidadka waa weyn ee soddonka, wadnaha, iyo warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenku waxa uu sheegay in hay’ad kasta si gooni ah loogula xisaabtami doono amniga goobaha lagu ogyahay inay sugto.

Dhinaca kale, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa xalay kormeer ku maray qeybo ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho.

Warkan waxaa Muqdisho kasoo diray weriyaheena Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.

Warbixin: Amniga Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:54 0:00

XS
SM
MD
LG