Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ka Dhacay Pakistan oo 13 Qof ay ku Dhinteen


Askari ag taagan meel u dhow goobta uu qaraxa ka dhacay.
Askari ag taagan meel u dhow goobta uu qaraxa ka dhacay.

Afhayeen u hadlay kooxda Jamatul Ahrar oo qeyb ka ah garabka Taliban ee dalka Pakistan, ayaa sheegtay mas'uuliyadda qaraxa.

Qof is-miidaamiye ah ayaa isku qarxiyey meel dibedda ka ah maxkamad ku taalla woqooyiga galbeed ee dalka Pakistan, isaga oo dilay ugu yaraan 13 qof, islamarkaana dhaawacay 36 qof oo kale.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in xubno booliis ah, haween iyo caruur ay ku jiraan dadka dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay weerarka Isniinta maanta ah ka dhacay magaalada Shabqadar.

Tariq Hassan oo ka tirsan booliiska magaalada, ayaa weriyayaasha u sheegay in ilaalo ka tirsan booliiska ay aqoonsadeen islamarkaana joojiyeen ninka iska qarxiyey, hase yeeshee markii ay isku dayeen inay qabtaan uu is-qaxriyey.

Qaraxan aadka u weynaa ayaa sababay waxyeello xooggan, islamarkaana burburiyey baabuur ka ag dhowaa dhismaha maxkamadda.

Afhayeen u hadlay kooxda Jamatul Ahrar oo qeyb ka ah garabka Taliban ee dalka Pakistan, taasi oo dagaal kula jirta dowladda, ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa.

Bayaan kasoo baxay kooxdan, ayaa lagu sheegay in weerarka loogu aargudayey daldalaadda Mumtaz Qadri, oo ahaa ilaalo ka tirsanaa booliiska, kaasi oo dilay gudodomiyihii gobolka ugu dadka badan Pakistan ee Punjab.

XS
SM
MD
LG