Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hiiraan: Duqeyn ka Dhacday Xero Al-shabab ku Sugnaa


Wararka naga soo gaaraya degmada Buulo Barde ayaa sheegaya in xalay la duqeeyay xero tababar ciidan loogu soo gabagabeyay maleeshuyada ururka Al-shabab ka tirsan.

Xerada Duqeyntu ay ka dhacday ayaa waxaa ay ku taalaa tuulo lagu magacaabo Dhariyow oo ilaa 60 km dhinaca Galbeed ka xigta Degmada Buulo Barde.

Dad degaanka ka tirsan ayaa warfidiyeenka u sheegay in xerada dhexdeeda jug xoog leh laga maqlay ilaa 7 jeer, halkaas oo ay ku sugnaayeen madax ka tirsan Al-shabab oo goobta u tagay in ay tababarka soo xiraan.

Holaca iyo qiiqa ka dhashay duqeynta ayaa la arkayay ilaa saake waabarigii.

Dadka degaanka waxay kaloo sheegeen in loo malaynayo in duqayntan ay ahayd dhinaca cirka ah. Isgaarsiinta degaanka ayaa tan iyo xalay markii ay duqeyntu dhacday hawada ka maqan.

XS
SM
MD
LG