Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxamed Siciid Atam oo Magangelyo ka Helay Qatar


Sheekh Atam
Sheekh Atam

Hoggaamiyihii hore ee garabka ururka Al-Shabab ee ka dagaalama degaannada Galgala ee Puntland Maxamed Siciid Atam ayaa la sheegay inuu magangelyo siyaasadeed ka helay dalka Qadar, sidaasi waxaa idaacadda VOA u xaqiijiyeen ilo wareeg xogogaal ah oa socday qorshaha magangelyada lagu siiyey Maxamed Siciid Atam.

Maxamed Saciid Atam ayaa la sheegay inuu 23-kii bishii Febraayo ee aynu soo dhaafnay uu u socdaalay dalka Qadar kadib markii uu soo dhammaaday qorshe soday muddo ka badan sannad oo lagu diyaarinayey magangelyadiisa waddankaasi uu ka helay.

Qorshahan magangelyada ah ayaa loogu magic-daray “Barnaamijka xubnaha sare ee kasoo goosta Al-Shabab”; oo ay dawladda Soomaaliya u dhiirrigelinayso in xubnaha sare ay kasoo goostaan ururka Al-Shabab.

Atam waxa uu bishii Juun ee sanandkii 2014-ka kasoo goostay ururka Al-Shabab, isagoo sheegay inuu ka hadhay gacan ka hadalkii. Atom waxa uu mar walba ku adkaysan jiray inuusan ka mid ahayn ururkaasi balse ay lahaayeen oo keliya wada-shaqayn.

Isla sanandkaasi dabayaaqadiisiina waxaa Qaramada Midobay ay ka qaadday cunaqabatayntii ay kusoo rogtay.

Garabka maleeshiyada Puntland ee Al-Shabab waxaa haatan hoggaamiya Yaasiin Kilwe oo Maraykanku uu ku doonayo madaxiisa $3 milyan oo dollar. Garab kasii go’day kooxdaasina waxay bishii Nofember ee sannadkii hor sheegeen inay ku biireen ururka Daacish.

Waa markii ugu horraysay ee Soomaaliya ay dibedda magangelyo ugu oggolaato qof lagu tuhmay argagisixo.

XS
SM
MD
LG