Isku xirrada

War Deg-Deg ah

QM: 25 Qof ayaa lagu Dilay Weerarkii Xerada Malakal


Dadka ka cararaya weerarkii ka dhacay xerada ku taal Malakal.
Dadka ka cararaya weerarkii ka dhacay xerada ku taal Malakal.

Xafiiska isku xirka gargaarka bani aadannimo ee QM ee OCHA ayaa tiradan cusub ku dhowaaqay jimcaha maanta.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan 25 qof lagu dilay, in ka badan 120 kalena lagu dhaawacay weerarkii bishii tagtay lagu qaaday xero qaxooti oo QM ay maamusho oo ku taalla magaalada Malakal ee dalka Suudaanta Koonfureed.

Xafiiska isku xirka gargaarka bani aadannimo ee QM ee OCHA ayaa tiradan cusub ku dhowaaqay jimcaha maanta ah (March 4, 2016), laba toddobaad kadib weeraradii dhacay 17-kii iyo 18-kii Febraayo ee lagu qaaday xeradan ay maamusho QM oo ay 47,000 oo qof ay gabbaad ka dhigtaan.

Xafiiska OCHA ayaa sheegay in saaxiibada QM ee dhinaca gargaarka ay shaqaale dheeri ah iyo qalab geeyeen xarunta tan iyo markii uu weerarka dhacay.

Warbixinta waxa ay sheegtay in marka laga soo tago 25 qof ee la dilay iyo 120 la dhaawacay, qiyaastii 3,700 oo qoys laga burburiyey gabbaadkoodii, sidoo kalena la waxyeeleeyey goobo caafimaad iyo iskuullo.

OCHA waxa ay sheegtay inay jiraan warar la isku haleen karo oo sheegaya in kooxda ciidamada xoreynta shacabka ee Sudan ay xerada soo galeen, kadibna rasaaseeyeen shacabka.

XS
SM
MD
LG