Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaaliya oo Xoolo u Dhoofisay Masar


Geel
Geel

Xaflad lagu qaabilyey xoolahaas oo halkaa ka dhacday waxaa ka qeyb galay wasiirka xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa Soomaaliya, Siid Xuseen Ciid.

Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay xoolo nool u dhoofisay dalka Masar, ka dib heshiis ay sanadkii hore galeen dowladaha Soomaaliya iyo Masar.

Xoolihii ugu horreeyay oo tiradoodu ay ka badan tahay laba kun oo neef oo geel ah ayaa la geeyay Kanalka Suez maanta.

Xaflad lagu qaabilyey xoolahaas oo halkaa ka dhacday waxaa ka qeyb galay wasiirka xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa Soomaaliya, Siid Xuseen Ciid.

Wasiirka oo la hadlay VOA ayaa sheegay in dowladda Masar ay Soomaaliya ka qaadday xayiraad saarneyd dalal badan Afrikan ah, oo Masar aysan xoolo ka qaadan.

Wariyeheenna Ibrahim Xasan Daandurey ayaa khadka taleefonka ku warreystay wasiirka.

Soomaaliya oo xoolo u dhoofisay Masar
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:55 0:00

XS
SM
MD
LG