Maxkamadda sare ee magaaladda London ayaa go’aamisay in eedaymahii la xiriiray musuq-maasuqa ee dawladda Djibouti ay ku soo eedaysay ganacsadaha reer Djibouti ee caanka ah, Cabdiraxmaan Booreh ay yihiin kuwo aanay waxba ka jirin iyadoo dhanka kalana dawaladda Djibouti ay sheegtay in ay ka xuntahay go’aanka ay maxkamaddu gaartay.
VOA-da waxay isku dayday inay la xiriirto saraakiisha dowladda Djibouti ee dacwaddan ku lugta lahaa, hase yeeshee nooma suuragalin inaan helno, qaarkii aan helnayna way ka gaabsadeen inay ka hadlaan
Cabdiraxmaan Booreh oo ah ganacsadaha ay dawladda Djibouti ku eedaysay in uu malaayiin dollar uu is-daba mariyay ayaa nagu soo booqday xarunta VOA-da ee London waxaana uu uga waramay Ridwaan Xaaji sida uu u arko go’aanka maxkamadda.