Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Isbaheysiga Rouhani Oo Guulo ka Gaaray Doorashada Iran


Doorashada Iran
Doorashada Iran

Madaxweyne Hassan Rouhani iyo isbaheysigiisa ayaa ku guuleystay 15 ka mid ah 16 kursi ee magaalada Tehran, doorashadii muhiimka ahayd ee golaha 88-ka xubnood ka kooban ee khuburada.

Natiijooyinkan lagu dhaawaqay maanta oo Isniin ah (2/29/2016) ayaa dhabar jab weyn ku ah muxaafidiinta mayalka adag, oo uu ku jiro madaxa golaha ee iminka, Ayatollah Mohammad Yazdi, oo aan dib loo soo dooran.

Xubnaha golahan ayaa waxa ay xilka hayaan muddo sideed sano ah, waxayna mas’uul ka yihiin inay maalin un soo doortaan qofka beddelaya hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei.

Sidoo kale, doorashadii golaha baarlamanka ee ka kooban 290-ka xildhibaan, ayaa natiijo aan ramsi ahayn waxa ay muujineysaa in is-beddel doonka iyo qunyar socodka ay ku guulesyteen dhamaman 30-ka kursi ee magaalad Tehran. Muxaafadka ayaa iyaguna helay badanaa kuraasta magaalooyinka yaryar.

Iran ayaa waxa ay iminka kasoo baxeysaa sanado badan oo ay saarneyd cuna-qabateyn caalami ah, sababo la xiriira barnaamijkeeda Nuclear-ka.
Sanaddii tagtay ayaa dowladda Rouhani waxa ay quwadaha adduunka la gashay heshiis lagu soo afjarayo barnaamijkaas.

XS
SM
MD
LG