Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhimashada Qaraxyadii Baydhaba oo Gaartay 32


Laba qarax oo waa weyn ayaa ka dhacay bartmaha magaalada Baydhaba, waxaana sheegtay maleeshiyada Al-Shabaab

Mas’uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa sheegay in ugu yaraan 32 qof ay ku geeriyoodeen weeraradii mataanaha ahaa ee Al-Shabaab ay ka fulisay magaalada Baydhaba.

Booliiska iyo dowladda hoose ayaa sheegay in bartamaha magaalada Baydhaba oo 245 KM u jirta magaalada Muqdisho ay ahayd meel mashquul ah, markii qaraxa koowaad uu ka dhacay suuq ku yaalla.

Qaraxa labaad oo la rumeysan yahay inuu fuliyey qof is-miidaamiyey, ayaa ka dhacay maqaayad, daqiiqado kadib.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in weerarka sidoo kale lagu dhaawacay 60 qof oo kale.

Weeraradan Al-Shabaab ay axaddii ka fulisay Baydhaba ayaa yimid laba maalmood kadib markii laba qarax oo waa weyn oo ka dhacay Muqdisho ay 25 qof ku dileen, islamarkaana 60 kale ku dhaawaceen.

Al-Shabaab ay si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda labada qarax.

Warbixintan waxaa soo diray Mukhtaar Maxamed Catoosh

Qaraxyo ka dhacay Baydhaba
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:36 0:00

XS
SM
MD
LG