Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ethiopia Oo Joojisay Qorshihii Addis-Ababa


Dadka Oromada ayaa aad uga soo horjeestay qorshaha dowladda Ethiopia.
Dadka Oromada ayaa aad uga soo horjeestay qorshaha dowladda Ethiopia.

Qorshahan oo la doonayey in lagu ballaariyo caasimadda Addis-Ababa, laguna daro dhulka Oromia, ayaa waxaa diida dadka Oromada ah.

Dowladda Ethiopia ayaa joojiyay qorshe ay doonaysay inay xarumo ganacsi uga dhisto meel u dhow magaalada Addis Ababa, laguna ballaariyo caasimadda, kadib markii ay qowmiyada Oromadu dhigeen dibadbaxyo dhiig ku daatay oo qorshahan ay uga soo horjeedaan.

Qorshaha dawladda ee la doonayo in gobolka Oromia lagaga sameeyo goob ganacsi oo ku taalla hareeraha magaalada Addis Ababa ayaa dhaliyey xasilooni daradii ugu darneyd ee muddo toban sano ah dalkaas ka dhacda.

Arrintan ayaa ifisay dhibaatada Ethiopia haysata xili ay dooneyso inay warshadeyso dhaqaalaheeda beeralaha ku saleysan.

Mucaaradka qaarkii ayaa sheegay in bishii December la dilay ilaa 90 qof, qaar kale ayaa sheegaya in tiradu ay intaas ka badneyd. Mana jiro tiro rasmi ah oo dhimashada la xiriirta.

Dawladdu waxa rabshadihii dhacay ay ku eedeysay, qowlasato hubeysan, sida ay hadalka u dhigtay, halka mucaaradkuna uu ku eedeeyey booliiska oo gacan adag adeegsaday.

Xisbiga Oromo People Democratic Organization (OPDO) oo ah xisbi ismaamulka Oromia ka jira, kana mid ah isbahaysiga EPRDF ee talada dalka haya ayaa go’aansaday in la joojiyo qorshaha dawladda, kadib saddex maalmood oo madaxda xisbigu ay arrintaas ka Shireen. Go’aankan waxa laga sheegay warbaahinta dawladda.

Warbixinta uu xisbigu soo saaray ayaa lagu sheegay in go’aan laga gaaray arrinta, kaas oo gabi’ ahaanba mamnuucaya qorshaha horumarta magaaalada ee muranka dhaliyey. Waxa kale oo warbixinta lagu sheegay in go’aankani uu ku yimid wadatashi dadka lala yeeshay.

Qorshahan dawladda oo 25 sano loogu talo galay, ayaa dhulka ku yaalla ismaamulka Oromiya ee ku xeeran magaalada Addis Ababa ka dhigaya goob loogu talo galay in lagu soo jiito maalgashiga.

Dawladda ayaa sanado badan ka shaqeynaysay qorshahan horumarineed, arrintaas oo keentay dibadbaxyo yaryar oo dhacay sanadkii 2014kii. Laakiin markii qorshuhu uu soo shaac baxay bartamaha bishii November ee sanadkii inna dhaafay, kaas oo dhul u dhow magaaalada Ginchi lagu kireeyey, ayaa waxa qarxay dibadbaxyo waaweyn.

Dibadbaxayaal arday u badan, kuna biiray beeraleyda deegaanka ayaa isku dhac uu dhex maray iyaga iyo booliiska.

Talaadadii toddobaadkan, intii aan la shaacin joojinta qorshahan, ayaa Merera Gudina oo ah madaxa xisbga mucaaradka ah ee Oromo Federalist Congress uu sheegay in dibabaxyadii ay yaraadeen, hase yeeshee, maalmihii dhawaa ay labo qof dhinteen, qaar kalena xabsiga loo taxaabay.

Merera ayaa soo kale ku dooday in qaar ka mid ah dibadbaxyaashu ay ka careysnaayeen wax ka weyn qorshahan horumarinta, sida in tartamayaashii mucaaradku aanay wax kuraas kaga guuleysan doorashooyinkii baarlamaanka, bishii May ee sanadkii hore.

Merera ayaa yiri “dibadaxyadani waa baarka arrinta. Waxay arritnu iskugu soo biyo shubanaysaa madax wareer iyo caro la xiriira arrimo dhowr ah.
Hay’adda xuquuqda aadamaha iyo dawladaha reer galbeedka ayaa Ethiopia ku ammanaay guulaha ay gaartay dawladda dla ay abaaro aafaayeen, hase yeeshee waxay dhinaca kale ku cambaareeyeen gacanta adag ee uu maamulka kala hortago mucaaradka. Halka ay dawladuna ku adkeysato in xoriyadda hadalka ay ogoshahay.

XS
SM
MD
LG