Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weerar Iyo Qaraxyo Ka Dhacay Indonesia


Booliis ku sugan meel u dhow goobta weerarka uu ka dhacay, January 14, 2016
Booliis ku sugan meel u dhow goobta weerarka uu ka dhacay, January 14, 2016

Weerarkan iyo qaraxyadan isku xirnaa oo lagu tuhmayo koox xiriir la leh Daacish ayaa waxaa ku geeriyooday 7 qof, oo 5 mintid ay ku jiraan.

Saraakiisha dalka Indonesia ayaa sheegay inay tuhunsan yihiin in koox xiriir la leh Daacish ay mas’uul ka tahay qaraxyo iyo weerar isku xiran oo Khamiista (1/14/2016) ka dhacay magaalada Jakarta.

Weerarka ayaa waxaa ku geeriyooday toddoba qof, oo ay ku jiraan dhammaan shanti qof ee weerarka soo qaaday.

Mintidiinta oo weeraray xaafad qaali ah oo ku taalla bartamaha magaalada Jakarta, ayaa isku dayayey inay fuliyaan weerar la mid ah kii Paris, sida uu sheegay afhayeenka booliiska qaranka Indonesia Anton Charliyan.

Rabshadaha ayaa bartamihii maanta ku billowday qaraxyo dhowr ah oo ka dhacay meel u dhow xaafado ay ku yaallaan dukaamo, hoteellada raaxada, safaarado iyo xafiisyo. Guud ahaan, illaa lix weerar ayaa lagu soo warramay inay dhaceen.

Mintidiinta ayaa dagaal xooggan oo socday maalintii oo idil la galay ciidamada booliiska. Xilli dambe oo galab ah, ayaa mas’uuliyiinta waxa ay shaaca ka qaadeen in weerarka lasoo afjaray, islamarkaana la dilay dhammaan shantii qof ee weerarka soo qaaday.

Booliiska waxa ay sidoo kale sheegeen in laba qof oo rayid ah oo qof uu dhashay dalka Holland ay sidoo kale geeriyoodeen.

Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkan.

XS
SM
MD
LG