Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bakhtiyaa Nasiib $1.5 Bilyan Ah Oo La Helay


Bakhtiyaa nasiibkii ugu lacagta badnaa Mareykanka oo ahaa 1.5 bilyan oo dollar ayaa waxaa ku guuleystay saddex qof.

Gobolka ku yaalla galbeedka Mareykanka ee California iyo labada gobol ee Koonfureed ee Tennessee iyo Florida ayaa dhammaantood looga guuleystay bakhtiyaa nasiib lagu qiimeeyey 1.5 Bilyan oo dollar.

Afhayeen u hadlay Bakhtiyaa nasiibka California, Alex Traverso ayaa arbacadii (1/13/2016) sheegay in tikitka guusha laga iibsaday dukaanka 7-11 oo ku yaalla magaalada Chino Hills ee duleedka Los Angeles.

Goobaha laga iibsaday tikidhada guusha ee gobollada Tennessee iyo Florida ayaan la shaacin. Waxaan sidoo kale la sheegin magacyada ama wax faahfaahinno ah oo ku saabsan dadka ku guuleystay bakhtiyaa nasiibkan.

Suurt-galnimada ku guuleysashada bakhtiyaa nasiibkan ayaa ahayd hal qof oo ka mid ah 292.2-dii milyan ee qofba.

Guuleystayaasha bakhtiyaa nasiibkan ayaa waxa ay si siman u wadaagi doonaan lacagta 1.5 Bilyan ee dollar ah. Lacagta ayaa waxa ay wada qaadan karaan hal mar, ayaga oo bixinaya canshuru culus, ama waxa ay yar yareysan karaan muddo 29 sano ah.

XS
SM
MD
LG