Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sicir Barar Xooggan Oo Ka Jira Somaliland


Sicir bararkan ayaa saameyn xooggan ku yeeshay nolosha dadka Somaliland, gaar ahaan kuwa danyarta ah.

Sicir barar xooggan oo saameeyay nolosha dadweynaha Somaliland, gaar ahaan dadka danyarta ah, ayaa ka jira magaalada Hargeysa iyo qaar ka mid ah magaalooyinka kale ee Somaliland.

Sicir Bararkan ayaa yimid kadib markii uu qiimaha shilinka Somaliland lagu sariffo dollarka uu si xooggan hoos ugu dhacay.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo, waxa uu guddi u saaray sidii xal degdeg ah loogu heli lahaa sicir barakan ka jira Somaliland.

Weriyaha VOA-da ee magaalada Hargeysa Barkhad Maxamuud Kaariya ayaa warbixintan noo soo diray.

Sicir barar ka jira Somaliland
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:09 0:00

XS
SM
MD
LG