Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wafti Deeq Daawo Ah Maanta Geeyay Jowhar


Deeqdan dawada ah ayaa ka timid dowladda Finland, waxaana Jowhar geeyey wafti ka socday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Wafdi uu hoggaaminaayo wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Soomaaliya Maxamed Cumar Ceymooy, ayaa deeq dawo ah oo ka timid dalka Finland gaarsiiyay maanta magaalada Jowhar ee xarrunta gobolka Shabellaha Dhexe.

Xubnaha wafdigan, ayaa waxa ay ahaayeen kuwa ka soo jeeda gobalka Shabellaha dhexe iyo sarkaal ka tirsan wasaradda caafimaadka ee dowladda Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale waftiga ka mid ahaa xildhibaan ka socday Finland balse asal ahaan Soomaali ah.

Jamaal Axmed Cismaan, ayaa khadka Telefoonka ee Jowhar kula xiriirey wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Maxamed Cumar Ceymooy,kana wareystay arrintan.

Watfi deeq dawo ah gaarsiiyey Jowhar
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:08 0:00

XS
SM
MD
LG