Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muhaajiriinta Yurub Oo Dhaafay Hal Milyan


Qaxootigan ayaa badankood ku qul-qulay dalal ay ka mid yihiin Greece, Bulgaria, Italy, Spain, Malta iyo Cyprus.

Ururka caalamiga ah ee socdaalka (IOM) ayaa sheegay in tirada muhaajiriinta iyo qaxootiga galaya Yurub ay sanadkan dhaafeen hal milyan oo qof, taasi oo ah tiradii ugu badneyd ee qul-qul tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka.

Ururkan fadhigiisu yahay magaalada Geneva ayaa maanta soo saaray xisaabtan muujineysa in 1,005,504 oo qof oo ah muhaajiriin ka tagay Africa iyo Bariga Dhexe ay qaaradda Yurub galeen, ayaga oo ka gudbaya barriga iyo baddaba.

Qaxootiga ka imanaya dalka Syria oo shan sano ay dagaallo sokeeye ka socdaan ayaa ah bar ka mid ah dadkaasi, waxaana kusoo xiga dadka ka imanaya dalalka Afghanistan iyo Ciraaq.

Qaxootigan ayaa ku qul-qulay dalalka Greece, Bulgaria, Italy, Spain, Malta iyo Cyprus sanadkan, ayada oo 800,000 oo dadkaas ka mid ah ay dhinaca badda ku gaareen dalka Greece.

Ururka caalamiga ah ee socdaalka ayaa sheegay in 3,600 oo qof ay ku geeriyoodeen ama lagu waayey badda meditareeniyaanka, ayada oo isku dayaya inay kasoo gudbaan waqooyiga Afrika una gudbaan Talyaaniga.

IOM waxa ay sheegtay in wax ka yar 35,000 oo muhaajiriin ama qiyaastii 3% ay dhinaca dhulka ee dalalka Turkey iyo Bulgaria uga gudbeen dalka Greece.

XS
SM
MD
LG