Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya, Cabdiqaadir Cali Diini oo waraysi gaar ah siiyay Idaacadda VOA-da ayaa sheegay in dawladiisa ay ka warhayso dagaalka u dhexeeya Al-Shabaab iyo Daacish ee Soomaaliya.
VOA-da ayaa horey u werisay iska hor-imaadyo dhowr ah oo dhex maray xubno doonayey inay ka goostaan Shabaab, kuna biiraan Daacish iyo maleeshiyada Al-Shabaab oo dhowr maleeshiyo lagu dilay.
Wasiirka waxa uu sheegay in khilaafka iyo dagaalka labadan koox uu salka ku hayo afkaaraha guracan ee xagjirnimada, islamarkaana dawladdiisu aanay marna u ogolaan doonin kooxda Daacish iyo agagixisada in ay fikradahooda ka dhaqan galiyaan dalka Soomaaliya.
Wariyaha VOA-da ee London, Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa ugu horrayn waydiiyay waxa ay salka ku hayaan dagaalada ka dhexqarxay Kooxda Al-Shabaab ee ku muransan in loo xuubsiibto Daacish iyo in wali lagu sii jiro Ururka Al-Qaacida.