Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaalkii Gaalkacyo Ka Socday Oo Joogsaday


Odowaa
Odowaa

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Odowaa ayaa sheegay in waftiga dowladda ay ku guuleysteen joojinta dagaalka.

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya inuu joogsaday dagaalkii magaalada ka socday ee u dhaxeeyey ciidamada Puntland iyo Galmudug.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Odowaa oo VOA la hadlay ayaa sheegay in waftiga dowladda ee uu hogaaminayo ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid iyo xubnaha maamul goboleedyada inay ku guuleystaan in dagaalka la joojiyo.

Waxa uu sidoo kale sheegay in waftiga dowladda ay sidoo kale isku keeneen madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland, kuwaas oo tagay goobihii lagu dagaalamay, kadibna sida uu sheegay ballan qaaday inay ka dhabeeyaan heshiiskii shalay la gaaray.

Odowaa waxa uu shaaca ka qaaday in heshiiskii shalay la gaaray uu weli taagan yahay, dagaalka maanta dhacayna uu ahaa qalad farsamo.

Wasiirku waxa uu sheegay in ciidamada is horfadhiya la kala qaadi doono caawa, islamarkaana uu ku rajo weyn yahay in magaalada ay xaalad caadi oo nabad ah kusoo laabato berri.

Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa wareystay wasiirka.

Wareysi: Wasiirka Arrimaha Gudaha
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:57 0:00

XS
SM
MD
LG