Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gabar Weriye Ahayd Oo Qarax Lagu Dilay


Sawir hore
Sawir hore

Hinda Xaaji Maxamed ayaa ku dhimatay qarax la rumeysan yahay in gaarigeeda loogu xiray, kaasoo ka dhacay Muqdisho.

Hinda Xaaji Maxamed oo weriye ka ahayd Idaacadda iyo Television-ka Dowladda Somalia ayaa ku dhimatay qarax la rumeysan yahay in gaarigeeda loogu xiray, kaasoo ka dhacay agagaarka is-goyka KM4 ee magaalada Muqdisho.

Xilliga qaraxa uu dhacay oo ahaa duhurnimadii maanta ayaa Hinda waxa ay kasoo baxday Jaamacad ay dhigato oo halkaasi ku taalla.

Hinda ayaa marka hore si xun ugu dhaawacantay qaraxa, waxaana loola cararay isbitaalkas, halkaasi oo saacado kadib ay ku geeriyootay.

Seyga Hinda oo la oran jiray Liibaan Cali Nuur oo isaga laf ahaantiisa ahaa Weriye ka tirsan Idaacadda Dowladda ayaa lagu dilay weerar bishii September ee sanadkii 2012 lagu qaaday maqaayad Muqdisho ku taalla oo ay tiro weriyayaal ah ay fadhiyeen.

XS
SM
MD
LG