Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Farmaajo Oo Xiisadda Gaalkacyo Ka Hadlay


Farmaajo ayaa soo jeediyay in la sameeyo dib u heshiisiin la dhex dhigo Soomaalida, wuxuuna soo dhoweeyey heshiiskii Gaalkacyo.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, ayaa soo dhaweeyay heshiiskii shalay magaalada Gaalkacyo ay ku saxiixdeen madaxda maamullada Galmudug iyo Puntland ee lagu dhameeyey colaaddii Gaalkacyo.

Farmaajo ayaa dhanka kale soo jeediyay in la sameeyo dib u heshiisiin la dhex dhigo Soomaalida, isagoo sidoo kale ka hadlay arrimaha doorashooyinka dhawaan ka dhici doona Soomaaliya.

Farmaajo ayaa iminka ku sugan magaalada Durban ee dalka South Afrika, halkaas oo uu uga qeyb galay shir looga hadlayay cunnayarida adduunka, oo madax isugu jira kuwa xilal soo qabtay iyo kuwa kaleba shirkaasi lagu casuumay.

Jamaal Axmed Cismaan, ayaa Khadka Telefoonka kula xiriirey Farmaajo, waxaana uu ugu horreyn ka hadlayaa bal waxa uu shirkaasi ku saabsanaa.

Wareysi: Farmaajo
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:04 0:00

XS
SM
MD
LG