Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Galmudug & Puntland Oo Heshiis Saxiixday


Guuleed iyo Gaas
Guuleed iyo Gaas

Madaxda Labada maamul ayaa saxiixday heshiis uu damaanad qaad ka ahaa RW Somalia kaasoo lagu joojinayo colaadda labada dhinac.

Magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug, oo dhowaan ay dagaallo ka dhaceen, ayaa waxaa lagu kala saxiixday heshiis ka kooban afar qodob.

Heshiiska waxaa dhinacyada dagaalamay u saxiixay labada madaxweyne ee maamul goboleedyada Puntland, Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas iyo GALMUDUG Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Afarta Qodob ee lagu hesihiyey ayaa kala ah:

1 - In xabadda la joojiyo
2 - In ciidamada la kala qaado
3 - In labada maamul goboleed iyo dawladda federaalka ay fududeeyaan gacanna ka gaystaan soo celinta dadkii ka barakacay magaalada
4 - In la magacaabo guddi saddex geesood ah oo ka shaqeeya xallinta khilaafaadka labada dhinac

Heshiiska waxaa dammaanad-qaade ka ah Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, waxaana marqaatiyaal ka ah labada madaxweyne ee mamaul goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan.

XS
SM
MD
LG