Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka Oo ISIS-ta Soomaaliya Ka Hadlay


Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in joogitaanka Daacish ee Somalia uu weli yahay mid aan muhiim ahayn.

Kooxds Daacish ayaa kusii ballaaraneysa Africa, ayada oo soo jiidaneysa xagjiriinta dalal ku yaalla inta u dhaxeysa Nigeria illaa Somalia, ayaga oo aas-aasay xarun ay ugu dhowaadaan Yurub, sida uu VOA u sheegay hoggaamiye sare oo ka tirsan taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika.

Daacish waxa ay iminka laba kun oo dagaalyahan ku lee yihiin magaalada Sirte ee dalka Libya, sida uu sheegay ku xigeenka howlgallada Milatari ee taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika Admiral Michael Franken. Tirada dagaalyahannada Daacish ee Sirte waxa ay bishii February ee sanadkan ahaayeen kaliya 200.

“Haddii Raqqa (Syria) ay tahay xudunta ISIS, meesha kusoo xigta waa Sirte” ayuu yiri Franken, oo VOA la hadlay isaga oo ku sugan xarunta taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika, ee magaalada Stuttgart ee dalka Jarmalka.

Daacish waxa ay iminka isku dayeysaa inay balaariso joogitaankeeda Somalia, halkaasi oo dhowaan tobaneeyo dagaalyahan ay ka go’een Al-Shabaab kuna biireen Daacish.

Franken ayaa joogitaanka Soomaaliya ee labaatan dagaalyahan oo ku xiran Daacish ku macneeyey mid aan sidaa muhiim u ahayn.

Waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay maareysay goosashada xubnaha doonaya inay ku biiraan Daacish, islamarkaana ay weerartay qaarkood.

XS
SM
MD
LG