Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ismaaciil Cumar Geelle Oo Mar Kale Is-sharxay


Madaxweynaha dalka Jabuuti, waxa uu sheegay inuu go’aankan qaatay isaga oo eegaya xaaladda dalka Jabuuti iyo xaaladda guud ee gobolka.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maanta ku dhowaaqay in mar kale uu yahay musharax u taaggan xilka madaxweynaha dalkaas.

Geelle, oo muuqaal uu kula hadlay shacabka Jabuuti soo dhigay youtube-ka ayaa sheegay inuu dhageystay dadweyne isu soo baxay, oo dalbaday inuu mar kale is-sharxo.

Madaxweynaha dalka Jabuuti, waxa uu sheegay inuu sidoo kale uu go’aankan qaatay isaga oo eegaya xaaladda dalka Jabuuti iyo xaaladda guud ee gobolka.

“Waxaan is lee yahay inaan dalka horumar gaarsiiyey, waxaana doonayaa inaan horumarkaas sii wado” ayuu yiri Ismaaciil Cumar Geelle.

Doorahada madaxtinimada dalka Jabuuti, ayaa waxa ay dhaceysaa bisha April ee sanadka 2016-ka.

XS
SM
MD
LG