Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: RWasaare Cumar Cabdirashiid


Sharmaarke
Sharmaarke

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa wareysi uu siiyay VOA uga hadlay heshiiska lagu gaaray Gaalkacyo.

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo waxaa maanta lagu saxiixay heshiis hordhac ah oo ay gaadheen maamullada Puntland iyo Galmudug.

Heshiiska waxaa saxiixay Madaxwyenayaasha labada maamul Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed, kadib dagaallo ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo dhex maray labada maamul.

Heshiiska waxaa dammaanad-qaade ka ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cuamr Cabdirashiid Cali Sharmaarke, iyadoo ay markhaatina ka yihiin madaxweynayaasha Maamul Goboleedyadayada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Haddaba idaacadda VOA ayaa wareysi la yeelatay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo hoggaaminayey wafdiga dawladda federaalka iyo maamul goboleedyada ee Gaalkacayo u joogay waanwanata.

Haaruun Macruuf ayaa ugu weydiiyey sida ay heshiisku ku yimid?

Wareysi: Ra'iisul Wasaare Cumar
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:29 0:00

XS
SM
MD
LG