Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Culimada Gaalkacyo Oo Nabad Ku Baaqay


Gaalkacyo
Gaalkacyo

Culimada magaalada Gaalkacyo oo ka kooban labada dhinac ee dagalamay ayaa maanta ku shiray magaalada, si xal loo gaaro.

Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxaa wali ka taagan xiisadda colaadeed ee u dhexeysa maamulada GALMUDUG iyo Puntland ee ka dhalatay muranka dhismaha waddo dhex marta magaalada.

Dadka magaalada ayaa wali barakacaya si ay uga baxsadaan colaadda taagan.

Ayaga oo taas ka duulaya, ayaa culimada magaalada Gaalkacyo oo ka kooban labada dhinac ee dagalamay waxa ay maanta shir ay ku yeesheen gudaha magaalada.

Culimada oo ka koobnaa guddi 14 qof, ayaa waxa ay soo saareen baaq ay labada dhinac ugu baaqayaan in si deg deg ah loo joojiyo colaadda si dadku ay guryahooda ugu soo noqdaan.

Waxa ay ka codsadeen GALMUDUG iyo Puntland in sidoo kale ay joojiyeen ciidamada ay kusoo daabulayaan magaalada.

Sheekh Muxiyadiin Sheekh Yuusuf oo ka mid ahaa culumadii kulankaasi ka qayb gashay ayaa Caasho Ibrahim uga warramay qodobada ugu muhiimsanaa baaqa culimada.

Xiisadda Gaalkacyo
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:03:23 0:00

XS
SM
MD
LG