Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: R/W Cumar C/rashiid Sharmaarke


Sharmaarke
Sharmaarke

Waxyaabaha uu ra'iisul wasaaraha ka hadlayo waxaa ka mid ah kulankii uu la yeeshay Kenyatta iyo wararka sheegaya in Kenya ay ku durugtay xaduuda Somalia.

Magaalada Valleta ee Jaziiradda Malta waxaa maanta ka furmay shir ay isugu yimaadeen madaxda dalalka Midowga Yurub iyo kuwa qaaradda Africa iyadoo shirkaasi diiradda lagu saarayo sidii dhaqaale iyo gargaar loogu fidin lahaa qaaradda si loo yareeyo qulqulka muhaajiriinta kasoo tallaabaya badda Mediterranean-ka ee kasoo cararaya faqriga ka jira qaaradda si ay usoo gaaraan Yurub.

Madaxda kulankaasi ka qaybgalaya waxaa kamid ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Hadaba wariyaha VOA-da, Ridwaan Haji Cabdiwali oo ku sugan Istuudiyaha VOA ee London ayaa khadka taleefanka kula xiriiray Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, waxaana uu wax ka weydiiyay go’aanada ad-adag ee Finland ay ka qaadatay qaxootiga Soomaalida, amniga, waxyaabhihii uu kala hadlay madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta iyo sida dawladdu u aragto wararka sheegaya in dawladda Kenya ay ku durugtay xaduudka barri ee Soomaaliya ay la wadaagto.

Marka horee waxaa uu ka hadlayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxyaabaha looga hadlayo shirka ka socda caasimadda Jaziiradda Malta ee Valleta.

Wareysi: Ra'iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:53 0:00

XS
SM
MD
LG