Isku xirrada

War Deg-Deg ah

QM: Ilaa 3 kun ayaa AU Uga Dhimatay Somalia


Sarkaal sare oo ka tirsan QM, ayaa sheegay in ku dhawaad 3 kun oo askari oo ka tirsan ciidamda nabad ilaalinta ee Midowga afrika lagu dilay Soomaaliya dhowrkii sano ee la soo dhaafay, kuwaasi oo la dagaalamayey kooxaha xagjirka ah.

Ku-xigeenka Xogahaya Guud ee Qaramada Midoobay Jan Eliasson, ayaa khamiistii shalay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Xarunta QM ka sheegay warka ku saabsan tirada dhimashada ciidanka AMISOM ee Soomaaliya.

Eliasson ayaa xusey in Uganda iyo Burundi oo ay Soomaaliya ka joogaan ciidamada ugu badan ee Midowga Africa ay yihiiin labada dal ee khasaaraha ugu badan uu ka soo gaadhay Somalia.

Ciidmada Midowga Afrika oo ay la jiraan kuwa Soomaaliya iyo Ethiopia, ayaa xoogagga Alshabaab ka saaray magaalooyin ku yaala koofurta Soomaaliya oo ay kooxdu gacanta ku heysay.

Eliasson ayaa sheegay in khatartii Alshabaab ay yaraatay, laakiinse ay weli jirto, waxa uuna intaa ku daray in ciidamda AMISOM ay weli kaalin muhiim ah ku leeyihiin Soomaaliya.

Afhayeenka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya, Col. Ali Aden Hamoud ayaa ka gaabsaday inuu sheego tirada ku dhimatay SoomaAliya, wuxuuna sheegay in mas’uulliyadda sheegista tirada ku dhintay Soomaaliya ay u taallo dalalka ay ka socdaan ciidamada AMISOM. Wareysiga Afhayeenka halkan hoose ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:59 0:00
XS
SM
MD
LG