Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dastuurka Cusub: Cutubka 15aad Sugidda Nabadda iyo Ammaanka Qaranka


CUTUBKA 15AAD-SUGIDDA NABADDA IYO AMMAANKA QARANKA

Qodobka162aad-Hawlaha Ammaanka ee Jamhuuriyadda

(1) Xukuumadda Federaalku waxay damaanad-qaadaysaa nabadda, gobannimada iyo ammaanka qaranka ee Jamhuuriyada iyo bedbaadinta shacbigeeda, iyadoo loo marayo adeegyada ciidammada amniga oo ay ku jiraan ciidammada qalabka sida, nabasugidda iyo ciidanka booliska ee federaalka.
(2) Ciidammada qalabka sida ee Jamhuuriyadda waxaa xil ka saaran yahay ilaalinta gobannimada iyo madaxbannaanida Qaranka iyo difaaca midnimada dhuleed.
(3) Booliska Federaalka xilkiisu waa ilaalinta nolosha muwaaddiniinta iyo dadka kale ee deggan Jamhuuriyada. Wuxuu kalo oo uu ilaalinayaa ammaanka iyo nabadgelinta hantida
muwaddiniinta iyo degganeyaasha.
(4) Ciidanka booliska ee lagu abuuray sharciyada dawlad-goboleedyada xilkiisu waa ilaalinta nolosha iyo hantida muwaaddiniinta iyo dhawrista xasilloonida iyo ammaanka degaannadooda iygoo kaligood ah ama kaashanaya ciidammada booliska ee federaalka.

Qodobka 163aad-Kormeerka Ciidammada Qalabka Sida

(1) Ammaanka qaranka waxaa mabda’ asaasi u ah in dad rayid ah ay kormeeraan hawlaha
ciidammada qalabka Sida.
(2) Ciidamada qalabka Sida ee qaranka ayaa ah ciidanka keliya ee sida sharciga ah uga jira
Jamhuuriyada dhexdeeda, waxaana reeban maleeshiyaad hubaysan oo gaar loo leeyahay.

Qodobka 164aad-Mabaadi’da Ciidammada Qalabka Sida

(1) Waa in ay Ciidammada Qalabka Sidaa dhawraan mabaadi’da soo socota:
(a) Mihnadda ciidannimo, anshax-wanaag iyo waddaniyad;
(b) Dhawrista Talinta Sharciga, hay’adaha dimoqoraaddiga ah iyo xuquuqda asaasiga;
(c) U-heellanaanta ilaalinta Dastuurka;
(d) Furfurnaan iyo oggolaansho laxisaabtan, iyo
(e) Dhexdhexaadnimo xag siyaasadeed.
(2) Qof kasta oo Soomali ah waxa uu xaq u leeyahay in uu ka qayb-qaato jagooyinka Ciidammada Qalabka Sida, iyada oo aan la takooreyn.

Qodobka 165aad-Ku-tagrifalidda Awoodeed

Gaboodfallada xuquuqda aadanaha ee la tuhunsan yahay xubno ka tirsan Ciidammada Qalabka Sidaa inay dad rayid ah ka galeen waa in dacwadooda lagu qalaa Maxkamadaha rayidka ah.

Qodobka166aad-Amarro Sharcidarro ah oo Cad

Xubnaha ka tirsan Ciidammada Qalabka Sidaa uma hogaansami karaan amar sharcidarro cad ah.

Qodobka 167aad-Kormeerka Rayidka ee Ciidammada Qalabka Sida iyo Nabadsugidda

(1) Madaxweynuhu [marka lagu dhaqamayo nidaamka baarlamaaniga ah) isaga oo fulinaya codsiga Ra’iisul-wasaaraha wuxuu magacaabayaa madaxda Ciidammada Qalabka Sida iyo Nabadsugidda.
(2) Madaxweynaha ayaa oggolaanaya dagaal hubaysan oo lagu difaacayo Jamhuuriyadda, iyadoo la fulinayo waajibaad dawladnimo, waxaana ansixinayo Golaha Shacabka.
(3) Waa in uu jiraa Wasiir ka tirsan Golaha Wasiirrada oo masuul ka ah arrimaha difaaca.
(4) Hawlaha Ciidammada Qalabka Sida waxaa lagu samaynayaa kormeer rayid ah oo ay ku jiraan guddi gaar ah oo baarlamaan.

Qodobka 168ad-Booliiska

(1) Ciidammada booliska ee jamhuuriyaddu waxay ka kooban yihiin ciidammada booliska madaniga ee federaalka iyo ciidan kastoo boolis ah oo ay dhistaan dawlad- goboleedyadu.
(2) Ciidammada booliska madaniga ee federaalku waxay ka hawl-gelayaan dalka oo dhan; ayagoo iskaashi dhow la samaynaya hay’adaha dawlad-goboleedyada.
(3) Dhammaan ciidammada boolisku waa in ay xushmeeyaan Dastuurka, sharciyada dalka iyo habdhaqankooda kaas oo uu sharci gaar ahi xakamaynayo.

Qodobka 169aad-Xaaladda Degdegga Ah

(1) Xaaladda degdegga ah waxaa lagu dhawaaqi karaa oo keliya marka ay lagama-maarmaan noqoto in la xaliyo xaalad halis ah oo ka dhalatay dagaal, weerar, gedood, rabshado, masiibo Rabaani ah ama xaalad guud oo culus.
(2) Xaalad degdeg ah waxaa lagu dhawaaqi karaa marka ay dhibaato saamayso dhammaan ama qayb ka mid ah dalka, waase in aysan ka badan inta loo baahan yahay in lagu xalliyo xaaladdaas.
(3) Madaxweynuhu [Barlamaaniga, isagoo fulinaaya codsiga Golaha Wasiirada] wuxuu awood u leeyahay inuu ku dhawaaqo xaalad degdeg ah, waxaana lagama-maarmaan ah in Golaha Shacbigu uu ka doodo, kuna oggolaado 21 maalmood gudahood laga bilaabo maalinta lagu dhawaaqay. Marka Golaha Shacbigu arrinta ka doodayo waa inay ahaato mid dhegeysiga dadweynaha u furan, haddi aanay jirin wax ka reebaya.
(4) Golaha Shacbigu wuxuu oggolaan karaa ama kordhin karaa xaaladda degdegga ah muddo aan ka badnayn saddex bilood markiiba. Haddii baarlamaanku oggolaan waayo kordhinta xaaladda degdegga ah waxaa istaagaya sii-socoshada xaaladda degdegga ah.
(5) Ku-dhawaaqidda xaaladda degdegga ahi waxay siinaysaa hay’adda fulinta awoodo gaar ah oo lagma-maarmaan u ah xakamaynta xaaladaha.
(6) Awoodaha lagu oggolaaday xaaladaha degdega ah waa in aysan ka mid ahayn in lagu xadgudbo xuquuqaha lagu sheegay Dastuurkan, haddii xadgudubkaasi uuna u ahayn lagama- maarmaan ujeeddooyinka xakamaynta iyo xal-u-helidda xaaladda degdegga ah.
(7) Ansaxnimada ku-dhawaaqidda xaaladda degdegga ah iyo habraacyada ku lugta leh waxaa looga hortegi karaa Maxkamadda.

Qodobka 170aad-Sharcidejinta Arrimaha Nabadda iyo Amniga

(1) Waa in la soo saaraa sharci federaal ah si loo xaqiijiyo hirgelinta cutubkan iyo dhawrista mabaadi’da Dastuurka, waana in si gaar ah:
(a) Loogu muujiyaa siyaasadda qaranka ee ka-hortagga argaggaxisannimada, burcadbadeedda iyo tahriibinta sharcidarrada ah iyo dembiyada abaabulan, iyadoo loo dhisayo hay’ad gaar ah oo wax ka qabata khataraha gaarka ah;
(b) Loo nidaamiyaa qaabdhismeedka iyo xilalka booliska federaalka madaniga ah;
(c) loo nidaamiyaa xiriirrada u dhexeeya booliska madaniga ee federaalka iyo ciidammada
booliska dawlad-goboleedyada, si loo xaqiijiyo iskaashi iyo wadashaqayn;
(d) loo caddeeyaa arrimaha la xiriira u-hoggaansamidda amarrada sharcidarrada ah;
(e) loo dhisaa, lana nidaamiyaa hawlaha guddiga baarlamanka ee u xilsaaran arrimaha
Ciidammada Qalabka Sida;
(f) loo xaqiijiyo ka-qaybgalka rayidka ee kormeerka ciidamada booliska federaalka medaniga ah;
(g) Waa in ay jirto hay’ad ay dadweynuhu u geysan karaan cabashooyinkooda ku saabsan
xadgudubyada xubno ka tirsan ciidammada ammaanku ay u geystaan;
(g) In la mamnuuco maleeshiyooyinka sida gaarka ah loo leeyahay, iyo
(h) In la nidaamiyo shirkadaha amniga ee gaarka loo leeyahay iyo gaar ahaan arrimaha la
xiriira shuruudaha shirkadaha amniga gaarka ah ay hub u isticmaali karaan.
(2) Sharci dawlad-goboleed waa in uu xaqiijiyaa nidaaminta booliska dawlad-goboleedyada heer u dhigma midka loo isticmaalay nidaaminta booliska madaniga ah ee federaalka , iyo in ay xaqiijiyaan inay nidaamintaasu waafaqasan tahay mabaadi’da ku xusan cutubkan oo kormeerka rayidku uu ku jiro.
(3) Sharci federaal ayaa go’aaminaya xaaladaha degdegga ah iyo awoodaha gaarka ah ee loo baahan karo.
(4) Sharci federaala ayaa go’aaminaaya xaaladaha maangalka ah ee lagu hayn karo qofka la soo xiro mudada xaaladda degdegga, sida loola dhaqmayo iyo magdhawga laga siinayo haddi dulmi lagula kaco.
(5) Sharciga federaalku cudurdaar uma samayn karo, iyadoo marmarsiiyo laga xaalad degdeg ah, cid lagu helay xadgudub xuquuq kaas oo aan la aqabali karin ama ku xadgudub masuuliyadda madaniga ama ciqaabta.

XS
SM
MD
LG