Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dastuurka Cusub: Cutubka 12aad Heerarka kala Duwan ee Shaqaalaha dowladda ee Rayidka


CUTUBKA 12AAD-HEERARKA KALA DUWAN EE SHAQAALAHA DAWLADDA EE RAYIDKA

Qodobka 138aad-Qiyamka Shaqaalaha Dawladda ee Rayidka ah

Shaqada rayidka ee heeraraka kala duwan ee xukuumadda waa in lagu saleeyaa qiyamka dastuurka,
hufnaan, wax-qarsi la’aan, u-adeegis bulsho iyo dhawrista jaranjarada maamul, anshax-wanaag, karti,
howlkarnimo, mihnad sare, caddaalad, sinnaan iyo dhaqan-wanaag.

Qodobka 139aad-Ilaalinta Xuquuqda Shaqaalaha Dawladda ee Rayidka ah

Shaqaalaha rayidka ah laguma dhibaatayn karo gudashada hawlahooda. Shaqaalaha rayidka ah lama eryi
karo, xilka lagama qaadi karo ama derejo-rid laguma samayn karo haddii aysan jirin sabab macquul ah;
iyadoo loo maray habraac caddaalad ah oo uu sharcigu tilmaamayo.

XS
SM
MD
LG