Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dastuurka Cusub: Cutubka 10aad Garsoorka


CUTUBKA 10AAD-GARSOORKA


Qodobka 113aad-Awoodda Garsoorka Jamhuuriyada

Awoodda Garsoorka waxaa u xil saran Maxkamadaha.

Qodobka 114aad-Madaxbannaanida Garsoorka

(1) Garsoorku wuxuu ka madax bannaan yahay laamaha dawladda ee Sharci dejinta iyo fulinta marka ay gudanayaan xilkooda. Xubnaha garsoorku waxay u huggaansamayaan oo keliya sharciga.
(2) Garsooraha laguma oogi karo dacwad ciqaab ah ama madani ah oo ka dhalatay fal la xiriira gudashada xilkiisa garsoorenimo.
(3) Garsooraha lama baari karo qofnimadiisa ama hooygiisa, haddii aan oggolaansho laga haysan Golaha Adeegga Garsoorka.

Qodobka 115aad-Habka Dacwad Qaadista

(1) Dacwad-qaadistu waxay u furan tahay dhegeysiga dadweynaha, hase yeeshee maxkamaduhu waxay go’aansan karaan in dacwadda lagu dhegeysto qol ka xiran dadweynaha sababo la xiriira anshaxa, nabadgelyada qaranka, badbaadinta markhaatiga, iyo haddii dacwaduhu khuseeyaan dhallaan ama kufsi;
(2) Go’aan maxkamadeed lama gaari karo hadii aan la siinin dhinacyada fursado isku mid ah oo ayku soo bandhigaan doodahooda
(3) Go’aan kasta oo maxkamadeed waa inuu ku qotomo sababo sharciyeed.

Qodobka 116aad-Nidaamka Maxkamadaha Dalka

Waxaa jiraya hal nidaam maxkamadeed oo ka kooban:
(a) Maxkamadda Dastuurka;
(b) Maxkamadda Sare;
(c) Maxkamadda Racfaanka iyo
(d) Maxakamadda Derajada Koowaad.

Qodobka 117aad-Dhismaha Maxkamadda Dastuuka

(1) Waxa jiraya Maxkamadda Dastuurka oo ka kooban ugu yaraan shan (5) garsoore ah oo ay ku jiraan Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenku.
(2) Gudoomiyaha Maxkamadda Dastuurka waxaa iska dhex dooranaya isla xubnaha Maxkamadda Dastuuriga.
(3) Magacaabista garsoorayaasha Maxkamada Dastuurka waa in lagu saleeyaa xeel dheeri
aqooneed ee shareecada iyo qaanuunka waana in ay takhasus gaar ah u leeyihiin arrimaha Dastuurka.
(4) Maxkamadda Dastuurku waxay leedahay awoodaha soo socda:
(a) In ay hubiso in hindise sharci waafaqsanyahay Dastuurka marka sidaas la weydiisto;
(b) In ay go’aan kama dambays ah ka gaarto in sharci ama go’aanno ay gaareen Golaha
fulinta uu ka soo horjeedo Dastuurka, sidaas ku buriso sharcigaas ama go’aankaas aan
waafaqsanayn dastuurka;
(c) Maxkamada waxay awood u leedahay in ay go’aamiso in burinta sharcigaas uu
dhaqangelayo laga soo bilaabo markii go’aanka Maxkamadu dhacay ama waqti
imaandoona oo xaddidan si ay ugu suurogaliso Maxkamada in talaabada ku haboon ay
ka qaadato burinta sharcigaas. Haddii burinta sharcigu u faa’ideynayo qof lagu xukumay
sharcigaas, waxay burintu ka bilaabanaysaa waqtiga go’aanka Maxkamda dastuurigu
dhacay;
(d) Awoodda kama dambaysta ee go’aan looga gaaraayo muranada ka dhaxeeya dowladgoboleedyada
iyo dowlada dhexe ama xukuumadaha dowlad goboleedyada dhexdooda;
awooddaan waxay Maxkamaddu isticmaali kartaa oo keliya ka dib marka wadahadal iyo
wada xaajood lagu xallinwaayoo khilaafka;
(e) Awoodda kama dambaysta ee lagu ansixinayo natiijooyinka aftida iyo doorashooyinka
Qaranka.
(5) Go’aannada ay gaarto Maxkamadda Dastuuriga ee la xiriira arrimo Dastuur waa kuwa kamaa
dambays ah.

Qodobka 118aad-Dacwad Gudbin

(1) Dacwad-u-gudbinta Maxkamada Dastuurka waxaa leh:
(a) Madaxweynaha;
(b) [Nidaamka Baarlamaaniga ah] Ra’iisuul-Wasaaraha;
(c) Xeer-Ilaaliyaha Guud;
(d) 25 xubnood oo ka tirsan labada Aqal midkood;
(e) Xukuumadda Dowlad Goboleedda;
(f) Guddiyada Madaxa-bannaan;
(g) Qof kasta oo uu saameeyo sharci ama tallaabo ka soo horjeedda Dastuurka.
(2) Dhinacyada kor ku xusan oo aysan ku jirin shakhsiyaadka caadiga ahi waxay talo ku saabsan arrimo dastuur weyddiisan karaan Maxkamadda Dastuuriga .

Qodobka 119aad-Dacwad- u-gudbinta Maxkamadaha Kale

Maxkamadaha kale ee dalku waxay weydiisan karaan Maxkamada Dastuuriga talo ama fasiraad ku saabsan Dastuurka marka si ay go’aan uga gaaraan dacwado maxkamadahooda horyaal. Maxkamaddu waa in ay sidaas yeesha hadii qof qayb ka ah kiiska maxkamada horyaal uu codsado, maxkamadduna ay ku qanacdo in go’aan-ka- gaaridda arrimaha dastuurigaa ay udub dhexeed u tahay go’aan-ka- gaaridda kiiskan .

Qodobka 120-Maxkamadda Sare

(1) Waxaa la dhisayaa maxkamad sare oo ka kooban sagaal garsoore oo uu ku jiro Gudoomiyaha.
(2) Guddoomiyaha maxkamadda sare waxa iska dhex-dooranaya xubnaha garsoorayaasha
maxkamadda sare.
(3) Xubnaha garsoorayaasha maxkamadda sare waa in ay aqoon sare iyo xeeldheeri u leeyihiin shareecada iyo qaanuunka.
(4) Maxkamadda sare waxay awood u leedahay dhammaan dacwooyinka marka laga reebo kuwa la xiriira arrimaha dastuuriga ah; kuwaas oo ay ikhtisaaska u leedahay Maxkamadda Dastuurigu.

Qodobka 121aad-Maxkamadaha Gaarka ah

(1) Laguma dhisi karo maxkamad si aan waafaqasaneyn mabaadi’da cadaalada ee ku xusan dastuurka.
(2) Waxaa sharci lagu samayn karaa maxkamad gaar ah oo ay leeyihiin ciidammada qalabka sida taasoo awood u leh qaadista dembiyada ay galaan xubnaha ka tirsaan ciidamada qalabka sida oo keliya xilliyada nabada iyo dagaalkaba.

Qodobka 122aad-Maxkamadda Racfaanka iyo Maxkamadaha Derejada koowaad

Xilalka iyo qaab dhismeedka Maxkamadda Racfaanka iyo Maxkamadaha Darajada Koowaad waxaa qeexi doona Xeerka Nidaamka Garsoorka.

Qodobka 123aad-Xal-dhaqameedka Khilaafaadka

Maxakamaduhu waxay aqoonsanayaan go’aanada xeer dhaqameedka ku xalliyo khilaafaadka, waxaana hadafka aqoonsigaasi xaddidi doona Sharci gaar ah.

Qodobka 124aad-Magacaabista Garsoorayaasha

(1) Qofka Garsoore loo magacaabayo waa inuu yahay qof hufan lehn aqoon iyo khibrad munaasab u ah jagada garsoore ee loo magcaabayo;
(2) Golaha Adeegga Garsoorka ayaa u soo jeedinaya Aqalka Wakiilada dowlad goboleedyada magacyada garsoorayaasha Maxkamadda Dastuuriga iyo Maxkamadda Sare. Madaxweynaha ayaa xeer ku magacaabaya qofka ay garsooranimada u ansaxiyeen Golaha Wakiiladu.
(3) Garsoorayaasha aan ka mid ahayn Maxkamadda Dastuuriga iyo Maxkamadda Sare waxaa soo jeedinaya magacaabistooda Golaha Adeegga Garsoorka, waxaana lagu magacaabaya wareegto Madaxweyne.

Qodobka 125aad-Muddo Xileedka Garsoorayaasha

(1) Da’da hawlgabka uu garsooruhu ku gelayo waa 70.
(2) Garsoore lagama qaadi karo xilka, haddii aan loo cuskan oo aan lagu helin anshax xumo, dhaqan xumo, awooddarri jireed iyo/ama mid maskaxeed oo joogto ah oo lagu caddeeyay baaritaan. Xeerka nidaamka Garsoorka ayaa qeexi doona habraacyada la xiriira xil ka qaadista garsooraha.

(3) Cabashada laga keeno garsoore ee ku saabsan anshax xumo waxaa loo gudbin karaa Golaha Adeegga Garsoorka oo qaadaya tallaabooyinka ku habboon markay ku qancaan inay jiraan sababo macquula oo keenaya in la baaro garsooraha. Tallaabooyinka habboon in la qaado waxaa ka mid ah in loo gudbiyo kiiska garsooraha kormeeraha garsoorka, hadii kiisku culus yahayna, waxaa la magacaabaya guddi madax bannaan.

(4) Golaha Adeegga Garsoorku wuxuu magacaabayaa guddi madax bannaan oo ka kooban saddex garsoore oo xilhaya ama hawlgab ah oo baara anshax xumida lagu soo eedeeyay Garsooraha. Garsooraha waxaa laga qaadayaa xilka haduu guddigu caddeeyo in ay jirto dhaqan xumada culus ee lagu soo eedeeyay garsooraha.
(5) Hadii Golaha Adeegga Garsoorku uu ku qanco inay jiraan asbaab macquul ah oo lagu aamino inuusan garsooruhu gudankarin xilkiisa sababo la xiriira awood-yari jireed iyo mid maskaxeed, waxay magacaabayaan guddi baara caafimaadka garsooraha. Guddigu waa inuu ka kobnaadaa xeeldheerayaal caafimaad iyo ugu yaraan hal garsoore hore. Haddii ay guddiga u caddaato inuusan garsooruhu sii wadi karin xilkiisa, Golaha Adeegga Garsoorku wuxuu garsooraha galinayaa howlgab caafimadkiisa awgii.
(6) Dhisida Xafiiska Kormeerka Garsoorka waxa lagu soo saari doonaa xeerka nidaamka garsoorka.

Qodbka 126aad-Golaha Adeegga Garsoorka ee Madaxabannaan

(1) Waa inuu jiraa Gole Adeeg Garsoor oo Madaxbannaan xilkiisuna yahay hoggaaminta siyaasadda guud iyo maamul ee garsooka, sida magacaabidda, xil ka qaadista, anshax-marinta, kala badalidda, mushaarka iyo gunnada hawlgabka garsoorayaasha sida ku xusan sharciga. Shuruudaha hawlaha garsoorka waxaa dejinaya Golaha Adeegga Garsoorka.
(2) Golaha Adeegga Garsoorka waa ka madaxbannaan yahay awooddaha sharcidejinta iyo fulintaba.
(3) Golaha Adeegga Garsoorku wuu u madax bannaan yahay miisaaniyaddiisa, waxayna u
gudbinayaan miisaaniyaddooda Wasaaradda Maaliyadda iyaga ayaana maamulanaya jiyagoo raacaya sharciyada maaliyadda.

Qodobka 127aad-Xubnaha Golaha Adeega Garsoorka

(1) Guddiga Adeega Garsoorku wuxuu ka koobanyahay:
(a) Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga;
(b) Guddoomiyaha Maxkamadda Sare;
(c) Xeer-Ilaaliyaha Guud;
(d) Laba qof oo ay soo magacaabeen Ururka Qareenadu;
(e) Gudoomiyaha Gudiga Xuquuqda Aadanaha;
(f) Min hal qof oo ay soo magacaabeen baarlmaannada dowlad-goboleedyadu;
(g) Hal qof oo uu soo magacaabo Madaxweynuhu.
(2) Gudoomiyaha waxaa iska dhex dooranaya xubnaha Guddiga Adeega Garsoorka. Gudoomiyuhu wuxuu xilka haynayaa mudo shan sano ah waxaana loo cusbooneysiin karaa hal muddo xileed kale. Gudoomiyaha gudiga wuxuu iska wareejinayaa dhammaan waajibaadka ka baxsan howlaha Guddiga islamarka loo dhaariyo xilkaas. Qofka loo doorto gudoomiyaha wuxuu haynayaa mudo xileed dhameystiran xataa haddii muddada xilka qofka la magacaabayo ay ka yartahay shan sano.

Qodobka 128aad-Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud

(1) Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud wuxuu ka mid yahay hay’adda Garsoorka ee Dalka.
(2) Golaha Adeegga Garsoorka ayaa u soo jeedinaya Golaha Wakiillada magacyada dadka u qalma in ay noqdaan Xeer-ilaaliyaha Guud si ay u ansixiyaan. Madaxweynaha ayaana xeermadaxweyne ku magacaabaya.
(3) Xeer-ilaaliyaha guud waxaa shaqada looga qaadi karaa sababo iyo habraac lamid ah kuwa looga qaadayo garsooraha.
(4) Xeer-ilaaliyaha Guud wuxuu ilaalinayaa dhaqangelinta shuruucda dalka, wuxuuna taabbageliyaa talinta sharciga. Xilalkiisa iyo waajibaadkiisa waxa qeexaya xeerka nimadaaminta garsoorka.
(5) Xeer-ilaaliyaha Guud wuxuu u xil saaran yahay dacwad oogista.

XS
SM
MD
LG