Isku xirrada

War

Dastuurka Cusub: Cutubka 3aad Xuquuqda Aas-aasiga ah

  • VOA Somali

CUTUBKA 3AAD-XUQUUQDA AASAASIGA AH

Qodobka 15aad-Dhaqangelinta Xuquuqda Asaasiga Ah

1 Xuquuqda aas-aasiga ah iyo xorriyada lagu aqoonsaday cutubkan waa in mar kasta la dhowraa marka sharci la dejinaayo, lana fulinaayo. Sidoo kale, qof kasta, hay’adaha Dawladda ee heer kasta iyo hay’adaha gaarka ah iyo saraakiisha dawladdu marka ay gudanayaan xilkooda waa in ay ilaaliyaan xuquuqda ku xusan cutubkan.

2 Waajibaadka Dowladdu kuma koobna in ay dhawrto xuquuqda dadka, balse waa in ay qaaddo tallaabooyin maangal ah oo lagu ilaalinayo in xadgudub uga yimaado cid kale.

3 Xuquuqda lagu aqoonsaday cutubkan sharci uun baa lagu xadeyn karaa sida ku xusan Qodobka 43aad.

Qodobka 16aad-Karaamada Aadanaha

1 Xuquuqda aadanuhu waa deeq Ilaahay ugu deeqay qof kasta oo banii’aadam ah, waana ifyaalka karaamada aadanaha. Sidaas daraadeed, waa laguma-xadgudbaan, waana waajib saaran dadka oo dhan in ay dhowraan.

2 Awoodda Dawlada waa in aan marnaba loo adeegsan meel-uga-dhicidda karaamada aadanaha.

Qodobka 17aad-Sinnaanta

1. Dadka oo dhan sharciga waa u siman yihiin.

2 Dawladdu sinnaba qof uma takoori karto. Takooridda reebban waxaa ka mid ah sinji, midab, qabiil, isir, qolo, asal bulshadeed, afguri ama luqad, labnimo ama dheddignimo, meel lagu dhashay, naafannimo, diin, siyaasad ama qabid ra’yi kale, xirfad iyo hanti.

3 Waa fal takoor ah haddi natijidiisu noqoto is-hortaag ama ciriirigelin xaqa qofka, xataa haddii falka si ula kac ah aan loo samayn.

4 Dowladdu uma aragto fal takoorid ah barnaamijyada loo qorsheeyey in sinnaan buuxda lagu gaarsiiyo dad ama kooxo horay loogu geystey takoorid ama tacaddi.

Qodobka 18aad-Xaqa Nolosha

Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay nolol.

Qodobka 19aad-Adoonsi, Midiidin iyo Ku-shaqaysi Qasab Ah

Sinnaba qof looma addoonsan karo, midiidin lagama dhigan karo, lagama ganacsan karo, qasabna looguma shaqaysan karo.

Qodobka 20aad-Xorriyada iyo Nabadgelinta Qofnimada

1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay xorriyaddiisa shakhsiga ah.

2. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay nabagelyada qofnimadiisa. Nabadgelyada qofnimo waxaa ka mid ah ka-bedbaadidda xarig sharcidarro ah, qaab kasta oo gacan-ka-hadal ah oo uga iman kara dhinaca dawladda ama dad gaar ah, qaab kasta oo jirdil ah iyo inuu ka nabadgalo qaab kasta oo naxariisdarro ah, dhaqan lid ku ah aadaminnimada ama liidid ah ama ciqaab ah.

3. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay bedqabka jirkiisa, lagumana xadgudbi karo. Qofna laguma qasbi karo in lagu sameeyo tijaabo takhtareed ama mid cilmibaariseed, haddii qofka ama xigtadiisa dhowi aynan oggolaanin ama aysan jirin talo uu bixiyey xeeldheere caafimaad marka uusan qofku sharciyan awood u lahayn inuu wax ogolaado.

4. Gudniinka Fircooniga ee haweenku waa arrin ka soo horjeedda Shareecada, waana reebban yahay.

5. Soo-rididda ilmuhu waa arrin ka soo horjedda Shareecada, waana reebban tahay, waxaana la oggolaan karaa oo keliya marka ay lagama-maarmaan tahay, gaar ahaan marka la bedbaadinayo nolosha hooyada.

Qodobka 21aad-Xorriyadda Abuuridda iyo Ka-mid-noqoshada Ururrada

Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu ku biiro dad kale ama urur. Xaqaas waxaa ka mid ah inuu abaabulo ama ka mid noqdo ururro shaqaale. Wuxuu kaloo xor u yahay in uusan cidna ku biirin, lagumana qasbi karo.

Qodobka 22aad-Xorriyadda Diinta iyo Caqiidada

1. Qof kastaa wuxuu xor u yahay in uu ku dhaqmo Diintiisa.

2. Qofka Muslimka ah kama bixi karo Diintiisa.

3. Diin aan ahayn Islaamka laguma faafin karo dalka.

Qodobka 23aad-Xorriyadda Ra’yiga

1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu ra’yigiisa soo bandhigo iyo in uu qaab kasta u gudbiyo warka iyo afkaarta uu qabo.

2. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu raadsado, helana afkaar.

3. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu muujiyo hal-abuurkiisa faneed.

Qodobka 24aad-Xormada Hoyga iyo khusuusiyaadka

1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in aan lagu xadgudbin hoygiisa iyo khusuusiyaadkiisa.

2. Xaqakani wuxuu qof kasta ka ilaalinayaa in baaris sharcidaro ah lagu sameeyo hooygiisa, ama hantidiisa, ama in lagu soo duulo, ama faraggelin iyo boob hantidiisa lagu sameeyo.

3. Xaqakani wuxuu qof kasta ka ilaalinayaa in sinnaba loo faraggeliyo war-isgaarsiintiisa iyo lahadalkiisa dadka kale.

Qodobka 25aad-Xorriyadda Kulanka, Bannaanbaxa, Cabashada iyo Codsi-wadareed

1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu abaabulo, kana qayb-galo kulammo ama bannaabax si xasilooni ah cabasho loogu muujinayo, iyada oo aan oggolaansho loo baahnayn.

2. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu cabasho qoraal ah u gudbiyo hay’adaha Dawladda.

Qoobka 26aad-Xorriyadda Isu-socodka iyo Degitaanka

1. Qof kasta oo si sharci ah ku deggan dhulka Jumhuuriyaddu wuxuu xaq u leeyahay in uu si xor ah u degi karo, ugu dhex-socon karo meel kasta oo dalka ka mid ah, kana bixi karo.

2. Muwaaddin kasta wuxuu xaq u leeyahay soo-gelidda iyo joogitaanka waddanka iyo inuu helo Baasaboor.

Qodobka 27aad-Xaqa Ka-qaybgalka Siyaasadda

Muwaaddin kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu ka qayb-qaato arrimaha guud ee dadweynaha. Xaqakan waxaa ka mid ah inuu samaysan karo xisbiyo siyaasadeed iyo inuu ka qayb-qaadan karo hawlaha siyaasadeed ee xisbiyada. Muwaaddinka qaangaarka ah waxaa intaa u dheer in uu si xor ah oo caddaalad ah u dhiibto codkiisa doorashada.

Qodobka 28aad-Xorriyadda xirfadda, Shaqada iyo Mihnadda

Muwaaddin kastaa wuuxuu xaq u leeyahay in uu si xor ah u doorto xirfadda, shaqada ama mihnadda uu rabo.

Qodobka 29aad-Xiriirrada Shaqada

1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo xiriir-shaqo oo caaddil ah.

2. Qof kasta oo shaqaale ahi wuxuu xaq u leeyahay inuu abuuro, kuna biiro urur shaqaale, kana qayb-galo hawlaha ururkaas.

3. Shaqaale kastaa wuxuu xaq u leeyahay shaqo-joojin.

4. Urur kasta oo shaqaale ah, mid loo-shaqeeye ah iyo shaaqealuhuba waxay xaq u leeyihiin inay galaan gorgortan-wadareed ku saabsan arrimaha shaqada.

Qodobka 30aad-Degaanka

1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay degaan aan waxyeello u lahayn caafimaadkiisa iyo baraarihiisa nololeed.

2. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu helo degaan laga ilaaliyey wasakhda iyo waxyeellada.

3. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu wax ka helo kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, iyadoo laga ilaalinaayo ka-faa’ideysi xad-dhaaf ah oo degaanka waxyeello u geysan kara.

Qodobka 31aad-Hanti

1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahy in uu hanti yeesho, ku dhaqmo, kuna naalloodo.

2. Dawladdu waxay si qasab ah hanti kula wareegi kartaa marka ay jirto dan guud, waana in la heloo magdhaw caaddil ah oo lagu heshiiyey, ama ay maxkamadi go’aamisey.

3. Qof kasta oo hantidiisa dan guud awgeed loola wareegey wuxuu xaq u leeyahay in si degdeg ah magdhaw looga siiyo.

4. Faqradda 1, 2 iyo 3 ee qodobkan laguma dhaqayo arrimaha ku xusan qodobka 50.

Qodobka 32aad-Dhaqaalaha iyo Xuquuqda Bulshada

1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay heer-nololeed habboon oo ay ka mid yihiin cunto ku filan, biyo nadiif ah iyo hoy.

2. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay dareyeel caafimaad.

3. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay daryeel bulsho oo dhammaystiran.

4. Xuquuqda lagu aqoonsaday qodobkan waxaa ka mid ah xaqa qof kastaa uu u leeyahay inuu ilaashado, raadsado, si buuxdana xuquuqdaas u gaaro, iyadoo aanay dawalddu ama cid kale ku soo faraggelin.

5. Xuquuqda lagu aqoonsaday qodobkan waxay dawladda ku waajibinayaan:

a. In ay hubiso inaan xuquuqdan cid kale aysan faraggelin ku yeelan; iyo

b. In ay dejiso barnaamaj hormarineed oo xuquuqdan lagu fulinaayo, hadba intii awooddeeda dhaqaale u suurraggelin karto.

Qodobka 33aad-Daryeelka Qoyska

1. Guurku waa aas-aaska qoyska, waana saldhigga bulshada, ilaalintiisuna waa waajib saaran Dawladda.

2. Dowladdu waa in ay daryeeshaa Hooyada iyo Dhallaanka.

3. Ubad kastaa wuxuu waalidkiis xaq ugu leeyahay xannaano ay ka mid tahay waxbarasho iyo barbaarin. Haddiise xannaanadaas uu ka waayo degaanka qoyskiisa waa in loo yeelo cid kale oo daryeesha. Isla xuquuqdan oo kale ayay leeyihiin carruurta dariiq-joogga ah iyo kuwa aan waalidkood la aqoonnin, Dawladda ayaana si gaar ah ugu xilsaaran inay xuquuqdooda ilaaliso, si buuxdana ay u helaan.

4. Waalidka aan iskood isugu filnayni waxay dhashooda qaangaarka ah xaq ugu leeyihiin inay daryeelaan.

Qodobka 34aad-Caruurta

1. Ubad kastaa markuu dhasho wuxuu xaq u leeyahay inuu helo magac iyo jinsiyad.

2. Ubad kastaa wuxuu xaq u leeyahay in laga ilaaliyo dhaqan xumo, dayacaad, xadgudub ama liiditaan.

3. Carruurta looma diri karo inay qabtaan hawl, ama adeegyo aan ku habboonayn da’dooda, ama halis gelin kara caafimaadkooda ama koritaankooda.

4. Carruurta waxaa la xiri karaa oo keliya muddo gaaban markii la waayo xal kale, lagumana hayn karo dadka waaweyn dhexdooda marka laga reebo xigtada ugu dhow, waana in lagu hayaa xaalado ku habboon. Xigtada ugu dhow carruurta waa in sida ugu dhaqsaha badan oo suurtogal ah loo war-geliyaa.

5. Ubadku waxay xaq u lee yihiin inay helaan kaalmo qareennimo oo kharajkeeda ay Dawladdu bixiso, si ay uga bedbaadaan dacwad kasta oo caddaaladarro u keeni karta.

6. Carruurtu waxay xaq u lee yihiin in laga ilaaliyo, loona adeegsan dagaallada hubaysan.

7. Danta carruurta ayaa mar walba mudnaan leh markay joogto arrin kastoo maslaxaddooda khusaysa.

8. Ereyga “carruur” ee qodobkan ku xusan waxaa looga jeedaa qof da’diisu ka yar tahay 18-jir.

Qodobka 35aad-Waxabarasho

1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay waxbarasho.

2. Xaqa waxbarashada waxaa ka mid ah in tacliin la raacdo, iyadoo ay Dawladdu ama cid kale soo faraggelin.

3. Dawladda waxaa ku waajib ah inay ilaaliso inaysan cid kale soo faragelin xaqa waxbarashada.

4. Dowladdu waa in ay xaqiijiso fulinta xaqa waxbarasaha carruurta ee dugsiyada hoose/dhexe, qasabka iyo lacag la’aantana ah iyo in muwaddin kastaa uu helo wabarasho aas-aasi ah. Waxbarashada Dugsiyada hoose/dhexe ee Dawladda waa inay ka mid ahaadaan tacliinta Islaamka iyo aqoonta guud.

5. Dawladda waxaa ku waajib ah inay dejiso barnaamj horumarineed oo lagu fulinaayo xaqa waxbarashada, hadba intii awooddeeda dhaqaale suurtogelin karto.

6. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu dhiso oo maamulo dugsiyo iyo machadyo waxbarasho oo madax bannaan, kharajkoodana uu isagu isu qabo, ha yeeshee hay’adaha noocaan ahi waa inay buuxiyaan shuruudaha lagama-maarmaanka ah ee ay Dawladdu u dejisey.

Qodobak 36aad-Dhaqanka iyo Afka

1. Qof kasta oo ka mid ah bulshooyinka oo dhaqan ahaan ama af ahaan laga tiro badan yahay waxay xaq u lee yihiin inay ku dhaqmaan hadba dhaqanka ay door-bidaan.

2. Xuquuqda qodobkan ku xusan waa in loogu dhaqmaa si waafaqsan xuquuda aas-aasiga ah ee Dastuurkan lagu aqoonsaday.

Qodobka 37aad-Xaqa Xog-helidda

1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu helo xogta ay dawladdu hayso.

2. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay helitaanka xogta ay cid kale hayso oo loogu baahan yahay in lagu fuliyo ama lagu ilaaliyo xaq kasta oo daw loo leeyahay.

3. Baarlamaanku waa in uu soo saaraa sharci lagu hirgelinayo xuquuqdan, haddiise uusan jirin sharci noocaas ah, hay’adaha Dawladdu waa in ay noqodan kuwo u illin-furan bixinta xogta looga baahan yahay intii suurtogal ah.

Qodobka 38aad-Go’aannada Maamulka

Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay go’aannada maamul ee hay’adaha Dawladda inuu uga cawdo maxkamadaha si waafaqsan sharciga.

Qodobka 39aad-Xaqa Dacwadda iyo Isdifaaca

Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay garsoor madax bannaan, caaddil ah, aan eex lahayn, laguna qaadayo maxkamad dadweynaha u furan, laguna galo waqti macquul ah, ama golihii kale ee awood go’aan gaaris ah u leh:

a) Arrin kastoo ku saabsan xuquuqda iyo waajibaadka madaniga; ama

b) Fal dembiyeed kasta oo kale lagu soo oogay, ciqaabna lagu mutaysanayo.

Qodobka 40aad-Xarig, Xabsi iyo Eedayn Shakhsi

1. Qofna laguma qasbi karo dembi-qirasho.

2. Qof kasta oo la xiraa wuxuu xaq u leedahay in 48 saac gudahooda lagu horgeeyo maxkamad awood u leh.

3. Qof kasta oo xorriyaddiisa shakhsiga ah laga qaado waa in isla markiiba la ogeysiiyaa dembiga lagu tuhunsan yahay, looguna sheegaa af uu garanayo.

4. Qof kasta oo xorriyaddiisa shakhsiga ah laga qaadaa wuxuu xaq u leeyahay in uu helo qareen difaaca.

5. Qof kasta oo maxkamad lagu soo taagey tuhun fal dembi-ciqaabeed ahi waxa uu xaq u leeyahay garsoor caaddil ah.

6. Garsoor caaddil waxaa ka mid ah:––

(a) Eedaysanuhu wuxuu la mid yahay qof aan dembi gelin ilaa maxkamadi si kama-dambays ah ugu caddayso dembiga loo haysto;

(b) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in aan xukunkiisa saldhig looga dhigin qiraal lagu qasbay ;

(c) Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay qareen matala ;

(d) Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay in uu goobjoog ka ahaado dacwaddiisa;

(e) Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay in uu iska difaaco caddaymaha la soo hordhigay ee lidka ku ah.

(f) Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay in loo qabto turjubaan haddii uusan garanayn afka maxkamadda laga isticmaalayo.

(g) Mas'uuliyada ciqaabatu waa shakhsi; qofna looma ciqaabi karo fal-dembiyeed uu galay qof kale.

(h) Qofna looma ciqaabi karo fal markii uu ku kacay uusan sharcigu dembi u aqoonsaneyn, haddii uusan ahayn dembi ka soo horjeeda banii’aadaminnimada, laguna caddeeyey qawaaniinta dawlaiga ah.

Qodobka 41aad-Isu-celinta Eedaysanayaasha iyo Dembiilayaasha

1. Waxaa dib loo celin karaa qof dembi ka soo galay dalkiisa ama dal kale oo ku soo cararay dalka soomaaliyeed, haddii uu jiro heshiis caalami ah oo ku waajibinaaya Dawladda Soomaaliyeed celinta eedaysanaha ama dembiilaha.

2. Isu-celinta eedaysanaha iyo dembiilaha waa in ay ahaataa mid waafaqasan dhaqanka iyo qaanuunka dawlaiga ah, waana in baarlamaanku soo saaraa sharciga lagu maamulayo isu-celinta dembiilayaasha.

Qodobka 42aad-Qaxootiga iyo Magangelyada

1. Qof kasta oo Soomaaliya ku soo gala qaxootinnimo wuxuu xaq u leeyahay in aan dib loo celin ama aan loo qaadin dal kale, haddii ay jirto cabsi muuqata oo ah in uu la kulmayo ciqaab.

2. Baarlamaanku waa in uu soo saaraa sharci waafaqsan qaanuunka Dawliaga ah; kaas oo nidaaminaaya qaxootiga ama magangelyo-doonka.

Qodobka 43aad-Xaddidaadda Xuquuqda

1. Xuquuqda lagu sheegay cutubkan waxaa xaddidi kara sharciga, waase haddii sharcigaan uusan si gaar ah u bar-tilmaameedsanayn shakhsiyaad ama kooxo.

2. Xuquuqdan waxaa xaddidaya sharciga, ama wax si gooniya looga soo reebay ama arrimo gaar ah oo lagu xusay cutubkan, waase haddii xaddidaaddaasi ay tahay maangal la caddayn karo, lana aqbali karo, si waafaqasan qiyamka lagu qeexay Dastuurka.

3. Marka go’aan laga gaarayo in xadeynta xuquuqdu ay noqoto mid la aqabali karo oo maangal ah, waa in la tixgeliyaa dhammaan arrimha la xiriira xadeyntaas.

4. Arrimaha la xiriira waxaa ka mid ah dabeecadda iyo ahmiyadda xuquuqda la xaddidey iyo muhimmadda ujeeddo la rabo in lagu gaaro xaddidaadda; ha ahaato xadeyntaasi mid habboon in lagu gaaro ujeeddada ama ha ahaato mid isla ujeeddadaas lagu gaari karaayey; iyadoo aan la xaddidin xuquuqdaas.

5. Xaddididda suurtogalka ah ee xuquuqda aas-aasiga ah ee muwaaddinka xilliga xaaladda degdegga waxaa lagu sheegay Cutubka 15.

Qodobka 44-Sixitaanka Ku-xadgudubka Xuquuqda

1. Sharcigu waa in uu qeexaa habraac habboon oo lagu daweynayo xadgudubyada xaquuqda aadanaha.

2. Daweynta xadgudubyadaas waa in lagu galaa maxkamad ay dadku si fudud dacwad uga furan karaan.

3. Qof ama urur kastaa wuu tegi karaa maxkamad, si uu u difaaco xuquuqda dadka kale ee aan awoodin in ay maxkamad tagaan, qof ahaantooda.

Qodobka 45aad-Fasiraadda Xuquuqda Aas-aasiga Ah

1. Marka la fasiraayo xuquuqda ku xusan cutubkan waa in maxkamaddu raacdaa waddo ay ku raadineyso in ay ku gaarto ujeeddooyinka xuquuqdaas iyo qiyamka ay xambaarsan yihiin. Maxkamaddu waxay tixgelineysaa shareecada iyo qaanuunka Dawliga ah. Maxkamaddu waxay, sidoo kale, tixgelineysaa go’aannada ay gaaraan maxkamado dalal kale, in kastoo aysan ku qasbanayn in ay raacdo.

2. Marka, guud ahaan, sharci la fasiraayo ama la dhaqan-gelinaayo, maxkamad kasta ama madal kaleba waa in ay tixgelisaa muhimmada qodobbada cutubkan, intii suurtagal ahna go’aannadeeda ka dhigto kuwo la socon kara qodobbadaan.

3. Xuquuqda aas-aasiga ah ee ku xusan cutubkani kama hor-imaaan karaan xuquuqda kale ee shareecada islaamku jideysey iyo xeer-dhaqanka la jaanqaadi kara Shareecada iyo Dastuurka.

Qodobka 46aad-Guddiga Xuquuqda Aadanaha

1. Dawladdu waa in ay dhistaa guddi xuquuqda aadanaha u qaybsan oo ka madax bannaan maamulka dawladda, lehna ilo dhaqaale oo uu si habsami leh ugu fuliyo hawlihiisa.

2. Hawlaha guddiga xuquuqada aadanaha waa in ay ku jiraan horumarinta aqoonta xuquuqda aadanaha iyo, gaar ahaan, Shareecada, ayaga oo u dejinaaya xeerar lagu hirgelinaayo waajibaadka xuquuqda aadanaha; dabagelidda xuquuqda aadanaha ee dalka gudihiisa iyo baarista eedaha la xiriira xuquuqda aadanaha.

XS
SM
MD
LG