Isku xirrada

War

Dastuurka Cusub: Cutubka 8aad Baarlamaanka Federaalka

  • VOA Somali

CUTUBKA 8AAD-BARLAMAANKA FEDERAALKA

Qodobka 72aad-Dhismaha Baarlamaanka

Barlamaanka federaalka Soomaaliya wuxuu ka koobnaan doonaa labo Aqal: Golaha Shacabka iyo Aqalka Wakiillada dawlad-goboleedyada.

Qodobka 73aad-Xilka Golaha Shacbiga

Xilka Golaha Shacbigu waa in uu matalo shacabka Soomaaliyeed, si ay uga qayb-qaataan xeerdejinta iyo oggolaanshaha miisaaniyadda qaranka iyo dhammaan kharashyada xukuumadda, kormeeridda hawlaha dawladda iyo gudashada dhammaan xilalka kale ee uu Dastuurku u xilsaaro.

Qodobaka 74aad-Xilka Aqalka Wakiillada dawlad-goboleedyada

Aqalka wakiillada dawlad-goboleedyadu waxaa xil gaar ahi ka saran yahay matalaadda dawlad-goboleedyada Soomaaliya iyo ilaalinta nidaamka federaalka. Waxay ka qayb- galaan xeerdejinta iyo oggolaanshaha miisaaniyadda qaranka. Sidoo kale, waxa ay ka qayb-galaan kormeerka hawlaha xukuumadda iyo hawlaha kale ee uu u xilsaaro Dastuurku.

Qodobka 75aad-Xubinnimada Golaha Shacbiga

(1) Tirada xubnaha Golaha Shacbiga waxa ay noqonaysaa 200 ilaa 300 oo ay soo dooranayaan dadweynuhu iyagoo raaacaya sharciyada loo meelmariyay si waafaqsan qodobka 52(2) .

(2) Taariikhda doorashooyinka Golaha Shacbiga waa in ay gooyaan Guddiga Doorashadu kaddib markuu la tashado Madaxweynaha Jamhuuriyada iyo Afhayeenka Golaha Shacbiga, waana in lagu qabtaa inta aysan dhammaan lixdanka casho ee ugu dambeeya jiritaanka Golaha Shacbiga.

Qodobka 76aad-Xubinnimada Aqalka Wakiillada dawlad-goboleedyada

Xubnaha Aqalka Wakiillada dawlad-goboleedyadu waxa uu ka koobmaa ergo 10 xubnood ah oo ka kala imaanaysa dawlad-goboleed kasta. Xubin ka mid ah ergadu waxay noqonaysaa madaxa Xukuumadda dawlad-goboleedda ama qof isaga matalaya, 9ka xubnood ee kalena waxaa soo magacaabaya baarlamaanka dawlad-goboleedda oo ka soo xulaya xubno ka baxsan baarlamaanka dawlad-goboleedda.

Qodobka 77aad-Ka-mid-noqoshada iyo Waayidda Xubinnimada

(1) Qofna xubin kama noqon karo labada Aqal ee baarlamanka haddii aan loo diiwaangelin in uu yahay cod-bixiye Soomaali ah oo ay da’diisuna ka weyn tahay 25 sano.

(2) Qofna xubin kama noqon karo labada Aqal ee baarlamanka haddii:

  1. (a) Si sharciga waafaqsan loo caddeeyey dhimirkiisu inuusan dhammayn;
  2. (b) Si sharciga waafaqsan loo caddeeyey in uu musallif yahay;
  3. (c) Lagu helo dembi la xiriira doorashooyinka 10kii sano ee ugu dambaysey gudaheeda;
  4. (d) Lagu helo dembi ku lug leh musuqmaasuq iyo ku-tagrifalid awood xafiis ciqaabteedu ay ka badan tahay 5 sano, Kaddib marka la dhaqan-geliyo Dastuurkan; ama
  5. (e) Xabsi uu ku jiro.

Qodobka 78aad-Muddada Xilka Xubnaha Baarlamaanka

(1) Haddii aysan dhicin xaaladaha lagu xusay faqrada (2), qofka xubin ka ah Golaha Shacbigu waxa uu xilka haynayaa ilaa laga dhaariyo xubnaha baarlamaan cusub, kaddib doorashada guud ee xigta.

(2) Marka laga tago faqrada (1), xubintu waxa ay xubinnimadeeda ku waayi kartaa haddii uu:

  1. a) Istiqaalo keeno;
  2. b) Xubinnimada ku waayo sida ku xusan qodobka kore; ama
  3. c) Loo doorto ama loo magacaabo xafiis hawshiisu aanay la socon karin xubinnimada baarlamaanka.

(3) Qofka Xubin ka ah Aqalka wakiillada dawlad-goboleedyadu wuxuu xilka ku waayayaa marka:

  1. a) uu ku waayo xubinimadiisa sida uu qabo aodobka 77.
  2. b) xilka looga qaado si waafaqsan Dastuurka Dawlad-Goboleedda; ama
  3. c) uu istiqaalo keeno.

Qodobka 79aad-Xilka Xubnaha

(1) Xubin kasta oo ka mid ah labada Aqala ee baarlamankau markuu xilkiisa gudanayo waa in uu ku shaqeeyaa si ay danta qaranku ku jirto.

(2) Xubin kasta oo ka mid ah Golaha Shacbiga oo matasha degaan/codbixiyeyaal waxa masuuliyad gaar ahi ka saaran tahay matalaadda codbixiyayaasheeda, iyada oo aan loo eegaynin xiriirkooda siyaasadeed.

(3) Xubin kasta oo ka mid ah Aqalka wakiillada dawlad-goboleedyadu waxa uu xil gaar ahi ka saaran yahay matalaadda danaha dawlad-goboleedda uu matalayo iyo in uu ilaaliyo nidaamka federaalka, kuna shaqeeyo dareen iskaashi federaalnimo.

Qodobka 80aad-Afhayeenka iyo Ku-xigeenka Aqal Kasta

(1) Doorashada guud kaddib waa in Aqal kastaa fadhigiisa koowaad ka dhex-doorto xubinhiisa Afhayeenka iyo ku-xigeennadiisa. Fadhiga waxaa shir-gudoominaya xubinta Aqalka ugu da’da weyn.

(2) Haddii ay dhacdo waqtiyada qaar in ay maqanaadaan Afhayeenka iyo ku-xigeennadiisu, Aqalku waa in uu u doortaa mid ka mid ah xubnihiisu in uu noqodo shir-gudoomiye ku- meel-gaar ah.

(3) Afhayeenku waa in uusan qaban ama uu ka tanaasulo xil kasta oo uu ka hayo xisbi siyaasadeed, waana in uu noqdo dhexdhexaad marka uu gudanayo/gudaneyso xilalkiisa/xilalkeeda.

(4) Afhayeenka iyo ku-xigeennadiisa waxaa xilka looga qaadi karaa codbidxinta saddex dalool laba dalool xubnaha baarlamaanka.

Qodobka 81aad-Muddada

(1) Muddada xilka Golaha Shacbigu waa 5 sano laga bilaabo fadhiga koowaad ee doorashada ka dib, haddii aan Aqalka lagu kala dirin sida uu qabo Qodobka 82.

(2) Aqalka wakiillada dawlad-goboleedyadu waa Gole Joogto ah.

Qodobka 82aad-Fadhiyada

(1) Golaha Shacabka ee cusub, lana soo doortay waa in uu qabsadaa fadhigiisa koowaad 30 maalmood gudahood, kaddib marka lagu dhawaaqo natiijada doorashada guud. Taariikhda fadhiga la qabanayo waxaa gooynaya guddiga doorashada.

(2) Baarlamaanku waa in sanad kasta uu yeeshaa labo kalfadhi oo ka bilaabanya bilaha Abriil iyo Oktoobar, waana in uu kalfadhi kasta fariistaa ugu yaraan tiro go’an oo maalmo ah.

(3) Go’aan baarlamaan ayaa lagu xaddidayaa, waqtiyada iyo taariikhaha kalfadhiyada Aqal kasta.

(4) Marka kalfadhiyada Aqalka la soo gebagabeeyo, kalfadhi aan caadi ahayn waxaa isugu yeeri kara Madaxweynaha (nidaamaka baarlamaaniga isaga oo fulinaya codsiga Golaha Wasiirada) ama Afhayeenka. Kalfadhi aan caadi ahayn waxaa la isugu yeeri karaa marka ay codsi qoraal ah ku weyddiistaan 20% xubnah Golaha Shacbigu ama kalabbar oo bar ergooyinka dawlad-goboleedyada ee Aqalka wakiillada dawlad-goboleedyada kalfadhiyadiisa.

Qodobka 83aad-Kala-dirista Gololaha Shacbiga

Lama kala diri karo Golaha Shacbiga ka hor dhammaadka muddadiisa shanta sano ah marka laga reebo (nidaamaka baarlamaaniga) haddii uu awoodi waayo in uu ansixiyo golaha wasiirada iyo barnaamijka dowlada sida ku xusan Qodobka 106(3).

Qodobka 84aad-Xeer-hoosaadka

(1) Aqal kastaa waa in uu samaystaa xeer-hoosaadkiisa, kaas oo siinaya ka-qaybgal buuxa xubnihiisa iyo dadweynaha.

(2) Fadhiyada labada Aqal iyo guddiyadooduba waa inay u furan yihiin dhegeysiga dadweynaha iyada oo maanka lagu hayo mabaadi’da guud ee furfurnaanta dawladda, haddii aanu Afhayeenku amrin sidaas si ka duwan.

Qodobka 85aad-Tirada Shirarku Ku Qabsoomayaan (Quorum)

(1) Qabsoomidda kalfadhiyada baarlamaanka waxa looga baahan yahay ka-soo-qaybgalka saddex dalool laba dalool xubnaha labada Aqal.

(2) Golaha Shacbigu wuxuu qabsan karaa hawshiisa keliya marka ay joogaan saddex dalool hal dalool xubnihiisu.

(3) Aqalka Wakiillada dawlad-goboleeddu wuxuu qabsan karaa hawlihiisa keliya marka ay joogaan ugu yaraan min hal qof oo ka socda saddex dalool hal dalool dawladgoboleed kasta isla markaana ay joogaan ugu yaraan saddex dalool hal dalool xubnaha Aqalku.

(4) Golaha Shacbigu wuxuu sharci u codayn karaa marka ay joogaan kalabbar oo bar xubnihiisu.

(5) Aqalka Wakiilladu wuxuu sharci u codayn karaa keliya marka ugu yaraan uu ka joogo min hal qof oo ka socda saddex dalool hal dalool dawladgoboleed kasta isla markaana ay joogaan ugu yaraan kala bar xubnaha Aqalku.

Qodobka 86aad-Go’aan-gaarista

(1) Haddii Dastuurku uusan u tilmaamin si kale, go’aan kasta ee Golaha Shacbiga ka soo baxaa wuxuu ku ansaxayaa codka aqlabiyadda xubnaha jooga ee codeeyey.

(2) Haddii aan si kale Dastuurku sheegin, ergada ka socota dawlad-goboleed kastaa waxay wadar ahaan u leedahay hal cod marka go’aan lagu gaarayo Golaha Wakiillada dawlad-goboleedyada.

Qodobka 87aad-Habraaca Sharci-dejinta Baarlamaanka

(1) Hindise sharciyeed oo saamaynaya dhammaan ama qayb ka mid ah dawlad- goboleedyada ama nidaamka Dawladda federaalka waxaa la hor-geyn karaa ku’ kasta oo ka mid ah labada Aqal.

(2) Hindise sharci oo kasto waa in la hor-geeyaa Golaha Shacbiga.

(3) Xukuumadda, ugu yaraan 10 xubnood oo ka mid ah Golaha Shacabka ama ugu yaraan 10.000 oo codbixiyeyaal ah ayaa Golaha Shacbiga waxay soo hor-dhigi karaan qabyoqoraal sharci.

(4) Xukuumadda ama ergada dawlalad-goboleeddu waxay soo hordhigi karaan Aqalka Wakiillada hindise sharci.

(5) Hindise kasta ee sharci oo u baahan kharash guud ama saamaynaya canshuuraha waxaa baarlamaanka soo hor-higi kara xukuumadda oo keliya.

(6) Hindise kasta ee sharci waa in la hor-geeyo labada Aqal ee baarlamaanka.

(7) Hindise sharci oo saamaynaya dhammaan ama qaar ka mid ah dawlad-goboleedyada ama nidaamka xukuumadda federaalka, waa in ay ansixiyaan labada Aqal si uu sharci u noqdo. Kaddib marka uu ansixiyo golaha la hor-keenay waa in sharcigan loo gudbiyaa Aqalka kale.

(8) Xeer-hoosaadka labada Aqal waa in uu oggolaadaa dhismaha guddi dhexdhexadin oo isuk daya in laga gaaro wadar oggol sharci ay labada Aqal isku khilaafeen.

(9) Hindise sharci oo aan saamaynayn dhammaan ama qayb ka mid ah dawlad- goboleedyada ama nidaamka Dawladda federaalka marka uu ansixiyey Golaha Shacbiga waa in loo diraa Aqalka wakiillada. Haddii Aqalkaasu uu ansixin waayo ama uu ansixiyo kaddib marka uu ku sameeyo isbeddello, labada Aqalna ay ka gaari waayaan heshiis, Aqalka Dadweynuhu waa in uu go’aansadaa in uu u gudbiyo Madaxweynaha qabyoqoraalka sharci, isaga oo ah qaabkii uu ku ansixiyey baarlamaanku ama in uu dhinac iska dhigo si mustaqabalka looga doodo ama laga wada tagao qabyoqoraalkaa.

Qodobka 88aad-Oggolaanshaha Sharci iyo Suurtagalnimada Dib-ugu-celintiisa Baarlamaanka ama Maxkamadda Dastuurka

(1) Hindise sharci wuxuu sharci noqonayaa kaddib marka uu ansixiyo Barlamanku, madaxwenuhuna uu saxiixo, isla markaana lagu soo saaro faafinta rasmiga ah.

(2) (Nidaamka baarlamaaniga ah isaga oo fulinaya codsiga xukuumada), Madaxweynuhu wuxuu dib ugu celin karaa baarlamaanka hindise sharci oo aan loo marin habraac sax ah. Haddii baarlamanku ku celiyo Madaxweynaha hindisaha sharci isaga oo aan wax ka beddelin ama uu mar labaad ansaxiyo, Madaxweynuhu waa in uu aqbalaa.

(3) (Nidaamka baarlamaaniga ah isaga oo fulinaya codsiga Rai’iisul-wasaaraha), Madaxweynuhu wuxu weyddiisan karaa baarlamaanka in uu dib u eego Hindise sharci oo uu ansixiyey, iyada oo sabab looga dhigayo sharcigaas nuxurkiisu in aanu habboonayn. Waa in uu saxiixaa Madxweynuhu, haddii baarlamaanku mar labaad ku ansixiyo hindise sharci saddex dalool labo dalool aqlabiyadda labada Aqal, kuna soo celiyaan Madxweynaha, si uu u saxiixo.

(4) Madxweynaha, 10 xubnood oo ka mid ah Golaha Shacabka, mid ama ka badan ergada xubnaha Aqalka Wakiillada dawlad-goboleedyada ama Golaha Wasiirrada ayaa hor-geyn kara Maxkamadda Dastuuriga hindise sharci oo uu baarlamaanku ansixiyey, si ay go’aan uga gaarto Dastuuninimada nuxurka hindisaha sharci ama habraaca loo maray oggolaanshihiisa.

(5) Madaxweynuhu haddu diido in uu saxiixo ama saxiixi waayo hindise sharci oo uu ansixiyey baarlamaanku, isaga oo aan u haysan wax sharci ah, qabyo-qoraalka sharci wuxuu noqnayaa sharci shan iyo toban beri kaddib taariikhda Madaxweynaha loo gudbiyey.

Qodobka 89aad-Guddiyada

(1) Golaha Shacabku waa in uu dhisaa guddiyo diyaariya xeerar, kormeera hawlaha xukuumadda, hubiyana miisaaniyadda iyo xisaabaadka xukuumadda iyo hay’adaha kale; kuwaas oo uu xisaabtooda baaro Hanti-dhawraha Guudi.

(2) Guddiyada la dhisay waa in ay ku jiraan guddiyada waaxyaha joogtada ah, si ay u baaraan hawsha hay’adaha kala duwan ee xukuumadda sida lagu muujiyey qaybinta awoodaha ee wasiirrada. Mid kasta oo oo ka mid ah guddiyadaasi waa in uu qaadaa masuuliyada baaritaanka mid ama ka badan qaybahaas.

(3) Aqalka Wakiillada dawlad-goboleedyadu waa in uu dhisaa guddiyo fududeeya hawlihiisa.

(4) Labada Aqal waxa ay dhisan karaan guddiyo wadaag ah.

(5) Baarlamaanku wuxuu ansixin karaa sharci u oggolaanaya guddoomiyeyaasha guddiyada in shaqadooda lagu siiyo gunno macquul ah.

Qodobka 90aad-Ka-qaybgalka Wasiirrada ee Fadhiyada Baarlamaanka

(1) Wasiirradu waxay ka soo qayb-geli karaan fadhiyada baarlamaanka, kana hadli karaan, ayaga oo aan cod ku lahayn. Xeer-hoosaadka Golaha Shacbigu wuxuu oggolaan karaa in kalfadhiyada caadiga ah ay wasiirradu, qoraal ama tiraab, kaga jawaabaan su’aalaha xubnaha. Wasiirradu waa in ay ku dedaalaan niyad iskaashi inay kalfadhiyada uga soo qayb-galaan.

(2) Wasiirrada waxaa u yeeri kara labada Aqal ama Guddi Joogto ah oo Golaha Shacbiga ka tirsan sida qodobka soo socdaa uu dhigayo.

Qodobka 91aad-Awoodaha Ku-qasbidda Ka-soo-qaybgalka Fadhiyada

Baarlamaanka iyo guddiyadiisu waxay leeyihiin awoodo la mid ah kuwa maxkamaduhu ay ku qasbaan hor-keenidda markhaatiyaasha iyo dokumeentiyada, si ay arrin kasta baaritaankeeda ula kaashadaan.

Qodobka 92aad-Xorriyadda Hadalka iyo Xasaanadda Mudanayaasha Baarlamanka

Xubnaha baarlamaanka lama dacweyn karo, lagumana eedayn karo hadal ay ka yiraahdeen baarlamaanka dhexdiisa. Xubin ka mid ah baarlamanka oo ku sugan xayndaabka aqalka baarlamaanka, laguma fulin karo amar xarig ama baaris. Xubin baarlamaanka ka mid ah lama xiri karo, lagumana eedayn karo fal-dembiyeed haddii Xeer-Ilaaliyaha Guud uusan ogolaannin.

Qodobka 93aad-Hoggaamiyaha Mucaaradka

(1) Madaxweynuhu waa in uu Hoggaamiyaha Mucaaradka u magacaabaa qofka ay u doorteen xubnaha Golaha Shacbiga ee aan ka tirsanayn xisbiga xukuumadda, isbahaysina aan kula jirin.

(2) Xafiiska Hogaamiyaha Mucaaradka waa in la siiyo dhaqaale ku filan, oo ay ku jiraan hawl-wadeenno, si awood loogu siiyo mucaaradku in ay hawlahooda gutaan.

FIIRO: Gudigu wuxuu go’aamiyay in la diyaariyo qodobo ku saabasan nidaamka baarlamentaariga iyo midka madaxtooyada oo ay la socdaan hay’ada fulinta ee midkasta oo labada nidaam ka mid ahi yeelanayo. Nidaamka baarlamentaariga ee hay’ada fulinta ayaa soo horreeya kan madaxtooyaduna waa ku xigaa. Go’aanka kama dambaysta ah waxaa lagu salaynayaa aragtiyada laga soo gudbiyo la-tashiga dadweynaha ee qabyo-qoraalka dastuurka.

XS
SM
MD
LG