Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dastuurka Cusub: Cutubka 5aad Dhul, Hanti iyo Degaan


CUTUBKA 5AAD-DHUL, HANTI IYO DEEGAAN

Qodobka 48aad-Dhulka

(1) Dhulku waa kheyraadka koowaad ee Soomaaliya iyo saldhigga nolosha dadka.

(2) Dhulka waa in loo haystaa, loo adeegsada, loona maamulaa si caddaalad ah, waxtar leh, waxsoosaar joogto ahna leh;

(3) Dawladda Federaalku, iyadoo la tashanaysa dawlad-goboleeyada iyo ciddii kale oo ay khuseyso, waa in ay samaysaa siyaasad-dhuleed qaran iyo hannaan loogu talo-galay maamulka iyo ku-dhaqanka dhulka Jamhuuriyadda. Siyaasaddaas waa in lagu hirgeliyaa si waafaqsan awoodaha lagu qoondeeyay Jadwalka 2 waana in ay sugtaa diiwaangelinta, ku-dhaqanka, lahaanshaha, degmaysiga, xuquuqda maamulka, amniga, danaha gaarka ah iyo warqadaha sharciga lahaanshaha.

(4) Dawladdu uma bixin karto si abadi ah qayb ka mid ah dhulka, badda iyo hawada Soomaaliya.

(5) Baarlamaanku waa in uu soo saaraa sharci nidaaminaya kireynta iyo arrimaha kale ee la xiriira dhulka Dawladda, badda ama hawada. Si loo xaqiijiyo in heshiisyada arrimahaas la xiriiraa ay yihiin kuwo ay danta guudi ku jirto waa in:

(a) Marka ay tahay heer federaal, waa in xeer-dejinta federaalku ay oggolaansho ku soo saartaa xeer arrinkan xakamaynaya.

(b) Marka ay tahay heer dawlad-goboleed, xeer-dejinta maamul-goboleedku oggolaansho ku soo saartaa xeer arinkan xakamaynaya.

Qodobka 49aad-Isu-celinta Hantida

(1) Xukuumadda federaalka oo kaashanaysa Dawlad-goboleedyadu waa in ay u hawl-gashaa dib-u-soo-celinta hantida Dowladda oo si sharcidarro ah ay dad kale ku haystaan.

(2) Xukuumadda federaalku, ayada oo kaashanaysa xukuumadaha Dawlad-goboleedyada, waa in ay u guntataa dib-u-soo-celinta dhammaan hantidii dadka; ha ahaato dhul ama hanti kale oo si sharcidarro ah ay dad kale ku haystaan.

Qodobka 50aad-Khayraadka Dabiiciga iyo Deegaanka

(1) Khayraadka dabiiciga ah ee dalka sida macdanta, biyaha, dhirta, daaqa iyo ugaartu waa hanti dadweyne. Waa in uu baarlamaanku dejiyaa sharci tilmaamaya habka looga faa’ideysanayo khayraadkaas, si ay ku jirto danta guud.

(2) Xukuumada federaalku waxay mudnaan siinaysaa ilaalinta, kaydinta iyo dhawrista deegaanka, iyadoo laga ilaalinayo wax kasta oo wax u dhimaya kala-duwanaanshaha noole ee dabiiciga ah iyo qaab-dhismeedka deegaanka.

(3) Dhammaan dadka ku nool Jamhuuriyadda waxaa waajib ku ah ilaalinta iyo kobcinta degaanka Iyo ka-qaybgalka horumarinta, fulinta, maaraynta, xannaanaynta iyo dhawrista khayraadka dabiiciga ah iyo deegaanka.

(4) Xukuumadda Federaalka iyo xukuumadaha Dawlad-goboleedyada ee waxyeellada deegaanku ay saameeyeen waa in ay:

(a) Dhaqan-gelisaa tallaabooyin lagu nadiifinayo wasakhda iyo haraaga sunta halista ah ee lagu shubay dhulka iyo biyaha Jamhuuriyadda;

(b) Dejisaa sharci, qaaddaana tallaabooyinka lagama-maarmaanka ah ee looga hortegayo ku-daadinta wasakhdaas; taas oo ah xeer-jebin qaanuunka dawliga ah iyo ku-xadgudub gobannimada Jamhuuriyadda.

(c) Qaaddaa tallaabooyinka lagamamaarmaanka u ah in laga qaado magdhaw kuwa mas’uulka ka ah ku-aasidda wasakhada; ha joogeen Jamhuuriydda gudaheeda ama meel kale.

(d) Qaaddaa tallaabooyinka lagama-maarmaanka u ah dib-u-noolaynta, dib-u- dhiraynta, kor-u-qaadidda deegaanka iyo in laga hortago hawlaha wixii waxyeellayn kara khayraadka dabiiciga ah iyo deegaanka dalka.

XS
SM
MD
LG