Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u soo celisay boqollaal ka tirsan ciidamada Soomaaliya oo sannadihii ugu dambeeyay lagu tababaray waddanka Eritrea, iyada oo la filayo in bishan Oktoober dib loo soo celiya dhammaan askarta Soomaaliya, sida ilo amni ay u sheegeen VOA.
Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Dr Xasan Cumar Mahad-Allah, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqday xarumaha lagu tababaro cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ee iskugu jira kuwa gaarka ah ee dhulka, badda iyo cirka oo tababar ku qaadanaya dalka Eritrea.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhanka ah Al-shabaab labadii bilood ee lasoo dhaafay ka dhacay maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle lagu dilay 1,650 Al-shabaab ah, sida lagu sheegay qoraal ay baahisay warbaahinta dowladdu.
Bayaan kasoo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay inay gacanta kusoo dhigtay Sufyaan Sheekh Axmed oo ay sheegtay in waayihii dambe uu 'faafinayay afkaaro xagjirnimo ah oo liddi ku ah nabadda, xasiloonida iyo Dowladnimada, sidoo kalana taageerayay Khawaarijta.'
Xeer ilaalaha guud ee Qaranka ayaa racfaan ka qaatay xukunkii qaar ka mid ah eedeysaneyaashii kiisaskii musuqmaasuqa ay dambiga ku weysay maxkamadda Gobolka Benaadir Khamiistii, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska xeer ilaalinta.
Qorshihii uu Afhayeenka Aqalka Wakiillada Mareykanka Kevin McCarthy ku doonayay in si ku meel-gaar ah loo fasaxo kharashaadka dowladda federaalka ayaa fashilmay taas oo sababi karta inay istaagto shaqada dowladda Federaalka Mareykanka 1-da October oo ku beegan berri oo Axad ah.
Waddamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ee Uganda, Burundi, Ethiopia iyo Djibout, ayaa taageeray codsgii madaxwenaha Soomaaliya ee ahaa in muddo saddex bilod ah sababo farsamo loo hakiyo bixintaanka wejiga labaad ee ciimadama ATMIS, sida ay xaqiijisay VOA.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa maanta la kulmay madaxweynaha Kenya William Ruto 'si uu u muujiyo sida uu ugu faraxsan yahay iskaashiga istiraatijiyadeed ee muddada dheer' ee ay Kenya la wadaagto Maraykanka iyo ka qayb nabadda iyo xasilloonida caalamka.
Dowladda UK ayaa ku dhawaaqday lacag dheeraad ah oo dhan 5 milyan oo gini oo loogu talagalay taageerada Ciidamada Ammaanka Soomaaliya, taas oo loo marinayo Sanduuqa Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka iyo taliyaha ciidamada lugtada, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo madaxtooyada ku-meel gaarka ah ee Dhuusamareeb.
Madaxweynihii hore ee dowladdii ku-meel gaarka aheyd Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa ku baaqay in la taageero 'dadaallada dowladda iyo madaxweynaha' waxaana uu Al-shabaab ku tilmaamay 'mushkilad' ku gudban dadka iyo dowladda, isaga oo ugu baaqay inay dagaalka joojiyaan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ugu yaraan 107 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyada Al-shabaab ayay isi soo dhiibeen labadii bilood ee lssoo dhaafay, sida uu xaqiijiyay agaasimaha xarunta Tubsan ee cilmi-baarista iyo ka hortagga xagjirnimada.
Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaada Dhexe.
Bayaan kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in hawlgal milateri oo shalay ka dhacay deeegaanka Dumaaye ee Gobolka Mudug lagu dilay 'in ka badan 167 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab' isla markaana lagu burburiyay xaruntii ay ku lahaayeen Koonfuurta Gobolka Mudug.
Duqeyn dhinaca cirka ah ayaa lagu burburiyay saldhiggii maleeshiyada Al-shabaab ee deegaanka Dumaaye ee degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, kaas oo ahaaa 'halka ay ka abaabuli jireen weerrada ay ku qaadan gobollada Mudug iyo Galguduud' sida uu VOA u xaqiijiyay guddoomiyaha degmada Xarardheere.
Madaxweynha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inay ku guuleysan doonaan dagaalka ay dowladdiisu kula jirto Al Shabaab 'si kasta oo dib udhac ciidan uu dowladda uga soo gaaro goobaha dagaalka' xillii uu xalay ka hadlayay madal madaxbannaan oo shabakadda X oo hore u aheyd Twitter.
Ra'isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa ku baaqay in dowladda Soomaaliya lagu taageero dagaalka ka dhanka ah Al-shabab, sida uu ku sheegay qoraal uu kusoo daabacay bartiisa shabakadda X oo hore u aheyd Twitter.
Kuwo kale