Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay madaxweynaha dowlad-goboleedka Hirshabeelle mudane Cali Guudlaawe Xuseen, Taliyaha ciidamada Xoogga dalka soomaaliyeed Sarreeye guuto Ibraahim Sheekh Muxyidiin iyo saraakiil kale.
Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxtooyada, madaxweynaha ayaa 'u kuur galaya xaalada ciidamada qaranka iyo kuwa halyeeyada shacabka ee ku howlan dib u xoreynta dalka.'
Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo safar kaga soo kicitimay maanta degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Madal