Wasiirka Arrimaha Dibedda Sacuudi Carabiya ayaa Axaddii sheegay in dalalka Khaliijka ay qaadi doonaan tallaabo ay ku xoojinayaan amnigooda haddii Iran ay hesho hub Nukliyeer ah.
Gabar la dhalatay Hoggaamiyaha Sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa cambaareysay howlgallada ka dhanka ah dibadbaxyada ka socda dalkaas, waxayna ku baaqday in Ilaalada Kacaanka ay hubka dhigaan, sida ay ku warantay warqad uu daabacay wiilkeeda.
Booliska Jarmalka ayaa Arbacada maanta ah fuliyey howlgallo ka dhacay dalka oo dhan ayaga oo xiray 25 qof oo la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin “unug argagixiso” oo midigta-fog ah, kaasi oo qorsheynayey inay afgambiyaan dowladda, islamarkaana weeraraan baarlamanka.
Senator Raphael Warnock oo ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga ayaa ka adkaaday Herschel Walker oo Jamhuuri ah, doorashadii ku celiska aheyd ee kursi ka mid ah Aqalka Senate-ka Mareykanka oo Talaadadii ka dhacday gobolka Georgia.
Madaxweynaha Imaaraadka Carabta ayaa maanta billaabay booqashadii ugu horreysay ee uu ku tago Qatar tan iyo markii lasoo afjaray go’doomin socotay afar sano oo la saaray Doha, taasi oo qaboojisay xiriirka labada dal.
Nin Iranian ah ayaa waxaa toogasho ku dilay ciidamada ammaanka kadib markii uu u dabaaldegay guushii ay xulka Mareykanka ka gaareen dalkiisa, taasi oo ka reebtay Koobka Adduunka, waxaa sidaas Arbacadii sheegay kooxaha xuquuqda aadanaha.
Ciidamada cirka Ruushka iyo Shiinaha ayaa si wadajir ah u sameeyey dhoolatus militari oo ka dhacay gobolka Asia-Pacific, waxaa sidaas maanta sheegtay wasaaradda difaaca Ruushka.
Hoggaamiyaha mucaaradka Malaysia Anwar Ibrahim ayaa maanta boqorka hortiisa loogu dhaariyey ra’iisul wasaare, taasi oo soo geba-gebeysay shan maalmood oo is-mari waa siyaasadeed ah.
Natiijo cayaareed oo sanado badan ay taariikhda xusi doonto ayaa ka dhacday magaalada Lusail ee dalka Qatar, halkaasi oo uu ka socdo Koobka Kubadda Cagta Adduunka 2022.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa baab’’iyey xeerar horey uga soo baxay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo lasoo saaray sanadkii 2020.
Dowladda Mareykanka ayaa Khamiistii ku talisay in dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan uu ka reeban yahay in lagu furo dacwado sharci oo la xiriira dilkii 2018 ee weriye Jamaal Khaashuqji, sida ku cad warqado maxkamadeed.
Diyaarado drone ah oo sida bambooyin ayaa weerar ku qaaday Markab sida saliid cayriin oo uu leeyahay bilyaneer Israeli ah, meel u dhow xeebaha dalka Cumaan, xilli ay xiisad xooggan Israel kala dhaxeyso Iran.
Turkey ayaa maanta ku eedeysay haweeney u dhalatay dalka Syria inay talaashay qaraxii lixda qof ku dilay magaalada Istanbul Axaddii, ayada oo ku eedeysay kooxda Kurdish-ka ee PKK inay fulisay weerarka.
Diyaarad ay leedahay shirkadda Emirates, oo ku socotay New York ayada oo ay saaran yihiin ku dhowaad 250 qof, ayaa Khamiistii lagu qasbay inay dib ugu laabato magaalada Athens kadib digniin amni oo ka timid Mareykanka.
Taliyaha guud ee ciidamada Mareykanka General Mark Milley ayaa sheegay in “in ka badan” 100,000 oo askari oo Russian ah lagu dilay ama lagu dhaawacay dagaalka bishii sagaalaad galay ee ka socda dalka Ukraine.
Maamulka Aqalka Congress-ka Mareykanka ayaan weli kala caddeyn saaka oo Arbaco ah, ayada oo Dimoqraadiga ay muujiyeen awood aan la fileyn kadib markii ay Jamhuuriyiinta kaga adkaadeen tartano dhowr ah oo aad la isugu dhowaa.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa laga toogtay lugta galabinimadii Khamiista, xilli la isku dayey in la khaarajiyo.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa laga dhaawacay lugta maanta kadib markii kolonyo baabuur oo uu la socday la rasaaseeyey xilli uu ku sugnaa bariga dalkaas, waxaa sidaas sheegay kaaliyihiisa.
Kenya ayaa maanta ciidamo ku daadgureysay bariga dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, taasi oo qeyb ka ah howlgal goboleed wadajir oo ka dhan ah mucaaradka, waxaa sidaas ku dhowaaqay madaxweyne William Ruto.
Kuwo kale