Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Mareykanka oo taageertay xasaanadda Maxamed bin Salmaan


Mohammed Bin Salman
Mohammed Bin Salman

Dowladda Mareykanka ayaa Khamiistii ku talisay in dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan uu ka reeban yahay in lagu furo dacwado sharci oo la xiriira dilkii 2018 ee weriye Jamaal Khaashuqji, sida ku cad warqado maxkamadeed.

Maxamed bin Salmaan ayaa bishii September loo magacaabay ra’iisul wasaare, taasi oo dhalisay tuhuno ku saabsan inuu isku dayayo inuu ka baxsado dacwado looga furo maxkamado dibadeed – oo uu ku jiro kiis madani ah oo ay dalka Mareykanka ka furtay Hatice Cengiz, gacalisadii Jamaal Khaashuqji.

Dilka Khaashuqji oo afar sano kahor ka dhacay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul ayaa Maxamed bin Salmaan si ku-meel gaar ah uga dhigay mid laga go’doomiyey dalalka Reer Galbeedka.

Qareenadiisa ayaa horey ugu dooday “inuu halka ugu sarreysa ka joogo dowladda Sacuudiga,” sidaas darteedna uu haysto xasaanadda ay Maxkamadaha Mareykanka siiyaan madaxda dalalka ama saraakiisha haya xilalka sare.

Dowladda Mareykanka ayaa haystay illaa Khamiistii shalay si ay u caddeyso fikirkeeda ku aadan arrintan. Talo soo-jeedinteeda ma ahan mid ay Maxkamadda ku qasban tahay.

“Dowladda Maraykanka waxa ay si xushmad leh ugu wargelinaysaa Maxkamadda in eedaysane Maxamed Bin Salmaan, ra’iisal wasaaraha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, uu yahay madaxa dawladda ee xilka haya, sidaas darteedna uu xasaanad ka haysto in dacwad lagu furo,” ayaa lagu yiri qoraalka uu maamulka Biden u gudbiyey Maxkamadda Federaalka ee degamada Washington DC.

Hase yeeshee qoraalka ayaa intaas ku daray “Waaxda Arrimaha Dibedda wax aragti ah kama bixineyso sax ahaanshaha dacwadda, waxayna ku celineysaa cambaareynteeda aan gambashada lahayn ee dilkii foosha xumaa ee Jamaal Khaashuqji.”

Talo soo-jeedinta ayaa ka caraysiisay Cengiz iyo qaar ka mid ah taageerayaasha dacwaddeeda, oo uu ku jiro ururka Dumuquraadiyada Dunida Carabta ee Hadda (DAWN), oo ah urur aan dowli aheyn oo uu aas-aasay Khaashuqji.

“Jamaal mar kale ayuu maanta dhintay,” ayey twitter kusoo qortay Cengiz.

"Ma ahayn go'aan qof kastaa filanayay, waxaan u maleynay in laga yaabo in uu iftiin caddaalad ah ka heli doono Mareykanka, laakiin mar labaad lacagta ayaa ka hormartay,” ayey tiri.

"Hadda oo Biden uu ku dhawaaqay inuu haysto xasaanad buuxda, waxaan filan karnaa weerarrada Maxamed bin Salmaan ee ka dhanka ah shacabka inay sii kordhi doonaan."

Agnes Callamard, oo ah xoghayaha guud ee ururka xuquuqda aadanaha ee Amnesty International, ayaa go’aanka dowladda Mareykanka ku tilmaamtay "khiyaano qoto dheer."

AFP

XS
SM
MD
LG