Maraykanka waxaa laga xusay sanadguuradii 14-aad ee kasoo wareegtay weerarradii 11-kii September, 2001-dii, waxaana la qabta munaasabado kala duwan oo laga hadlay dadkii weerarradasi ku dhintay.
Ururka Ahlu-Sunna Wal Jamaaca ayaa maleeshiyadiisii ka saaray Dhuusamareeb, iyadoo deegaanka Mareer-Guur oo 28 km magaalada u jirta ay isku horfadhiyaan ciidamada Ahlu-Sunna iyo kuwa Galmudug ah.
5 haween Soomaali ah ayaa ku dhintey duqeynta diyaaradaha Sacuudiga u ka wado magaalada Sanca ee dalka Yemen. Sidaas waxaa VOA u sheegtay Dahabo Cabdi Faarax oo madax u ah qaxootiga Soomaalida.
Sanadkan oo kaliya waxaa la xiray dada lagu qiyaasay 229 qof, kuwaasi oo lala xiriirianyo falalka argagixisanimada – 31% ayay tiradaasi korodhay marka la bar-bar dhigo sanadkii hore oo qiyaasta dadka loo xiray falal argagixisanimo ay gaartay 100 qof.
Waddada A4 ee dalka Austria, ayaa sidoo kale laga xiray baabuurta, taasi oo fursad u siisay qaxootiga qul-qulaya inay u dhaqaaqaan magaalada Vienna, si ay magangalyo u weydiistaan Austria, ama usii gudbaan Jarmalka.
Dowladda Mareykanka, ayaa illaa iyo hadda dalkeeda keentay 1,500 oo qaxooti Siiriyaan ah, tan iyo markii uu qarxay dagaalka sokeeye ee dalkaas afar sano ka hor.
Degmada waxaa iminka gacanta ka haya maleeshiyo raacsan wasiirka ganacsiga Galmudug, kuwa Ahlu-Sunna-na waxa ay ku sugan yihiin dibedda Caabudwaaq.
Xeer-Ilaaliyaha Mareykanka ee gobolka Minnesota Andrew M. Luger iyo kaaliyihiisa General John P. Carlin, ayaa maanta ku dhowaaqay in Hanad Mustofe Musse oo 19 jir Soomaali ah, uu qirtay dambi la xiriira Daacish.
Muhiimad intee la eg ayay Soomaaliya iyo Mareykanka u leedahay billowga Howl-Gallada Diblomaasiyadeed ee Mareykanka ee Soomaaliya?
Warar iyo faahfahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ay kooxda Al-Shabaab ku qaadeen degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose, waxaana ka wareysanay guddoomiyaha Shabeellada Hoose C/Qaadir Maxamed Nuur Siidii.
Wasaraadda Arrimaha Dibedda Mareykanka, ayaa maanta si rasmi ah ugu dhowaaqday billowga Howl-Gallada Diblomaasiyadeed ee Mareykanka ee Soomaaliya.