Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Waa Sidee Maanta Xaaladda Caabudwaaq?


dagaal
dagaal

Degmada waxaa iminka gacanta ka haya maleeshiyo raacsan wasiirka ganacsiga Galmudug, kuwa Ahlu-Sunna-na waxa ay ku sugan yihiin dibedda Caabudwaaq.

Xaaladda degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa maanta degan kadib laba maalmood oo ay ku dagaalameeyn maleeshiyo kala taabsacsan Ahlu-Sunna iyo Wasiirka ganacsiga Galmudug Cabdiladiif Cabdullaahi Warsame.

Dagaalladaas waxa ay sababeen dhimasho iyo dhaawac badan oo gaaray dad shacab ah iyo dhinacyada isku haya magaalada, waxaana dhinacba dhinaca kale uu ku eedeeyey mas’uuliyadda dagaalka.

Degmada waxaa iminka gacanta ka haya maleeshiyo raacsan wasiirka ganacsiga Galmudug, kuwa Ahlu-Sunna-na waxa ay ku sugan yihiin dibedda Caabudwaaq.

Si kastaba, waxaa weli jira cabsi ku saabsna in mar kale dagaal uu ku dhaco magaalada, oo maleeshiyada Ahlu-Sunna ay soo rogaal celiyaan.

Haddaba xaaladda magaalada, ayaa weriyaheena Axmed Cali Sheekh waxa uu ka wareysatay Cabdiladiif Cabdullaahi Warsame oo ah wasiirka ganacsiga Galmudug, kuna sugan gudaha magaalada.

Wareysi: Cabdilatiif
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:02:33 0:00

Weriyaheena Ridwaan Xaaji Cabdiweli, ayaa sidoo kale dagaalladii ka dhacay Caabudwaaq ka warreysatay wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Wareysi: Wasiirka Warfaafinta
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:33 0:00

XS
SM
MD
LG